Abubakar Al-baqdaadi

 

Beirut(ANN)Hoggaamiyaha Daacish ee kooxda ISIS Abuubakar Al-Baqdaadi Xaaskiisa iyo Gabadh uu dhalay, ayaa lagu qabtay dalka Lubnaan. Sida ay sheegtay Xukuumadda Lubnaan, kuwaas oo todobaadkii hore ka gudbay xadka ay Lubanaan la wadaagto Suuriya.
Saraakiisha amniga ee Lubnaan, ayaa u sheegay warbaahinta Haweenaydaa oo lagu magcaabo Saja Al-Dulaymi qabashadeeda ay gacan ka siiyeen Sirdoonka reer galbeedka, waxayna Tallaabadaa ku tilmaameen mid dhabar-jab ku noqonaysa hoggaamiyaha kooxda Daacish, waxayna xuseen in loo adeegsan karo sii daynteeda in kooxdiisu ay sii dayso maxaabiis u dhashay dalalka Ciraaq iyo Suuriya oo ku jira xabsiyada ay maamulaan Daacish.

Mid ka mid ah saraakiisha hay’adaha amniga dalka Lubanaan ayaa sheegay in xaaska Al-Baqdaadi ay la socotay gabadh yar oo ay dhashay, inkastoo lagu sheegay markii hore ilmahan yar inuu wiil yahay. Iyadoo sarkaalku uu xusay in dheecaanka gabadha oo la baadhay lagu ogaaday inuu dhalay Al-Baqdaadi. Kadib markii dheecaanka DNA laga qaaday.

“Xaaska Al-Baqdaadi iyo gabadhiisa waxaa lagu qabtay waqooyiga Lubnaan, haatanna waxaa su’aalo lagu weydiinayaa xarunt wasaaradda difacaa,” ayuu yidhi sarkaalka u hadlay hay’addaha amniga Lubnaan.

Saja Dulaymi ayaa ka mid ahayd 150-haween ah oo bishii May ee sanadkan ay dowladda Suuriya kasii daysay xabsi, kaddib markii lagu bedeshay dad ay ISIS maxaabiis ahaan u haysatay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 13 Sooro oo Kiristan ah, isla markaana ahaa wakiilo kaniisaddo ka socda.

Hoggaamiyaha kooxda Daacish, Sh. Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa la sheegay inuu qabo saddex haween ah, kuwaas oo laba ka mid ah ay dalka Ciraaq u dhasheen, halka midda kalena ay tahay Suuriyaan.

Illaa hadda ma jirto wax hadal ah oo ay kooxdu kasoo saartay qabashada ay qabteen ciidamada Lubnaan mid ka mid ah xaasaska Sheekh Al-Baqdaadi iyo gabadha uu dhalay, balse warar kale ayaa sheegaya in Haweenayda la qabtay aanay waqtigan ka mid ahayn xaasakiisa oo ay kala tageen mar hore.
Xukuumadda Washington ayaa hore u dul-dhigtay hoggaamiyaha kooxdan ISIS ee Daacish Sh. Abuubakar Al-Baqdaadi lacag dhan 10-milyan oo doollar, lacagtaa oo lagu bxinayo ciddii kasoo gudbisa xogo la xidhidiha halka uu ku sugan yahay, ama suurta gelisa si loo soo qabto, waxaana la oggaaday in magaciisa saxda ah uu yahay, Ibraahim Cawad Ibraahim Ali Al-Badri Al-Samarai.
Kooxda Daacish oo ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa gacanta ku haysa deegaanno dalalkaas ka tirsan, kuwaas oo ay ku jiraan goobo muhiim ah oo kuwa Saliida laga qodo ee Ceelasha Shidaalka oo ay dhaqaale baddan ka helaan, waxaana guuldaraystay weeraro dhinaca Cirka ah oo ay ku waddaan Maraykanka iyo xulufadiisu.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com