Araweelo News Network
Xasan-Siciid
Hargeysa(ANN)Xisbiga Talada haya ee KULMIYE, ayaa ka hadlay shir dhowaan dadka deegaanka Awr-boogays oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Sanaag kusoo dhamaaday.
Qoraal War-saxaafadeed uu ku saxeexnaa Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, ayaa u dhignaa sidan:-

“Xisbiga Midnimada, Nabadda iyo Horumarka Jamhuuriyadda ee KULMIYE, waxa uu si wayn u soo dhawaynayaa go’aamada qiimaha leh ee ka soo baxay shirkii Awr-boogays ee ay wadayeesheen xukuumadda Somaliland iyo beelaha Maxamuud Garaad, Hinjiinle iyo Kaskii Qabe ee kala dega Gobollada Sool, Sanaag iyo Xaysimo ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Go’aamada ka soo baxay shirka ka qaboomay degmada Awr-boogays ee ka tirsan Gobolka Sanaag (19 ilaa 20 July 2016) oo ay kala saxeexdeen Wasiirrada xukuumadda ee Madaxweynaha Somaliland u igmaday iyo oday-dhaqameedyada beelahaasi, waxa nuxurkiisu ku qotomaa xoojinta midnimada, wadajirka iyo nabadgalyada dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, wax-wada lahaanshaha iyo ka wadashaqaynta horumarka ummaddiisa.
Xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisu waxa uu u arkaa natiijada shirka Awr-boogays mid muhiimad wayn u leh Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland oo kaalin mug leh ka qaadanaya taabbogelinta midnimada iyo wax-wadalahaanshaheeda guud ahaan ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaasi darteedna, xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo ay caado u tahay ka midho-dhalinta wax kastoo dan u ah dalka iyo dadkiisaba waxa ka go’an in si buuxda loo hirgeliyo heshiiska lagu gaadhay shirka Awr-boogays.
Wadahadalka, is-qancinta iyo isu-tanaasulku waa wax caado u ah Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku soo caano-maashay muddada 25 sanno ah ee ay ahayd qaran madaxbannaan, isla markaana ay ku soo gaadhay heerka ay marayso maanta ee ah nabadgalyada, xasilloonida, horumarka iyo dawladnimada ku salaysan nidaamka dimuqraadiga ah, waxaanay KULMIYE iyo xukuumaddiisu mar walba diyaar u yihiin oo ay soo dhawaynayaan in wadaxaajood iyo is-faham lagu qanciyo cid kastoo wax tabanaysa gudaha dalkeenna, wixii aan ka horimanayn Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.” ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE.