???????????????????????????????Hargeysa(ANN)Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa ka hadlay dadka ajaanibka ah ee ku sugan Somaliland, kuwaas oo ay sheegeen inay si sharci-daro ah kusoo galaan dalka, isla markaana buux dhaafiyeen magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Qoraal dheer oo uu soo saaray Xoghayaha Arimaha gudaha iyo xidhiidhka gobalada xisbiga UCID
Abdiqani Ibrahim Salaf ( kabtanka), ayaa u qornaa sidan:- “ Dalkeenii Somaliland oo Oromo si
qayrul Caadiya u qabsatay iyo 50.000 qof, kuwaas oo ah shaqaale si sharci daro wadanka uga
shaqaysta oo marqudha soo galay Jamhuriada Somaliland iyo daymo la,aanta xukuumada maanta.

Wadankeena waxa ku nool dad lagu qiyaaso ilaa sadex milyan oo qof dadka ugu badana waxay ku nool yihiin magaalada caasimada u ah Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa oo sida la qiyaasay ay ku noolyihiin 800.000 oo qof 200.000 wa Oromo halka 250.000 ay habeenkii usoo hoydaan oo isugu jira dad muwadiiniin iyo ajaaniba ah sidaana ay ku buuxsamayaan 1000.000 ( hal milyan iyo dheeraad). dalkan Somaliland waxa ku nool oo jooga 500.000 oo oromo ah. Dadkan kasoo jeeda qowmiyada Oramia ee dalka Ethiopia aya isugu jira dad shaqaale sharci daro ku shaqaysta qaar dawarsada waxa intaa dheer in barigii hore dadka laxaad leh ay wadanka iman jireen lakiin hada waxaa ay soo wada kaxaysteen dadkoodii gaboobay ee asaasaqay iyo waliba dadkii laxaadka la,aa sida dadka indhaha la iyo kuwa curyaamiinta ah. Waxa baryahan danbe la arkaayay dad qaba xanuunada faafa iyo kuwa aan faafin oo wadanka lagu soo daad guraynaayo si loogu dawarsado.

Dadkan oromada ah oo sida lagu yaqaano suuqyada waawayn ee magaalooyinka Ethiopia sida Addis iyo magaalooyinka kale jidadka ka dawarsada iyadoo qof meesha xanuunaysa uu ku dawarsado sida dad caabuq lu gaha iyo faraha’ gacmaha iyo waliba meelo badan oo jidhka kaga dhacay muujinaya si dadku ugu naxariistaan arintan oo sida la wada ogyahay wadankeena hooyo culays wayn ku ah isla markaana dadkii reer Somaliland ee cashuur bixiyaha aha sidii duqsi fuud ku goobtay ama shini malab ilaalilaynsa dadkeenii hawada ka qariyey gaar ahaan meelaha dadku isugu yimaado sida maqaaxiyaha marfashyada goobaha laga dukaamaysto, meelaha basaska iyo taagaasida laga raaco ay murqudha hawada kuu diidayaan iyagoo qaba xanuunada kala duwan ee lakala qaado taasina waxay halis wayn ku tahay habsami u unoolaanshihii dadkeena iyo waliba caafimaadkii dadkeena.

Magaalada Jigjiga oo sida runtii ah la ciirciiri jirtay dadkan oromada ah aya laga sifeeyey oo laga mastaafuriyey bari dhexdii ahayd hadana wa isku Ehtiopian ayay yihiin marka inaga oo ay dalkeena ajaanib ku yihin isla markaana. wadankeeni culays badan ku hayaan maxa inaga hortaagan inan iska mastafurino. waxaa intaaba sii dheer in dhawaan wadanka ay marqudha lagu soo daabulay 50.000 oo ah shaqaale lasoo waariday oo muqaawal lagu keenay wadanka isla markaana shirkadi keentay Ethiopian ahi shaqaalahan oo aan ahayn kuwii hore wadanka u joogay ee ah qaar cusub isla markaan looga yaqaano wadankeena bedal. waayo shaqadooda aya ah ii doori ama ii badal qofba sida u fudud ee uu wax ku fahmi karo waxa ay keenan wadanka weel caag ka samaysan oo tayadiisu liidato waxay urursadaan dharka guryaha yaala ee aan waxba qabin ee la isticmaalo iyago markii hore shaqada ku bilaabay inay gurtan dharka duuga ah ee aan la isticmaalin ee jeexjeexmay lakiin hada way diidaan haday maradu meelqudha ka jeexantay.

Waxay gurtaan dharka wanaagsan ee raga sida surwaada shilingayga ah ama doongari qofba sidu u yaqano iyo waliba dharka adag sida suufka hadana waxaabay ku dareen roogagii furaashyadii daahyadii iyo dhamaan alaabtii inta badan aynu siin jirnay dadkeena masaakiinta ah iyo waliba dadka inta badan qaraabadeena dhulka baadiyaha dagan ee xoolo dhaqatada ah oo aynu ku caawin jiray qaraabadaas dharka iyo waxyalaha kala duwan.

Hadaba arintii way is badashay waxana subaxii marka xaafadaha laga shaqo tago ee ninka ugu danbeeya suuqa ama foofkii subax nimo u baxo saacaduna gaadho abaaro 9-10 subaxnimo oo ah maalmaha la shaqeeyo kuma jirto jimcaha ragu guryaha jooga waxaanad mooda inay iska ilaaliyaan raga hadiba subax aad guriga ku raagto waxaad maqlaysa iyagoo ku dhawaaqaya kalmada bedal bedal bedal dadka qaarna ku macneeyeen ( badal diinta bedal dhaqanka bedal dharka badi tahriibka aan dalka u hadhnee) waxay wataan kaaryoone yaal ay ku sidaan baaldiyo caaga iyo weel kala duwan oo caag ah isla markaana iyagoo lacag jaban kana tayo badan kuwan niman kani sitaan aya suuqa lagu iibiyaa lakiin dadkii way falayaan ilaa hadan falal dhaqan xumo aya looga shakiyey sida tuugo iyo sixirka indho sircaadka iyo waliba madiidada dumarka.

Markii hore Companigan sharci darada kaga hawl gala wadanka waxa uu ku koobna caasimada jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa iyagoo baabuur ay leeyihiin oo waawayn kaga soo daabula Ethiopia iyadoo ay waliba wataan xataa kaaryoonaha ay wataan ragan bedal waxa laga keena dalkooda waxbana wadanka uma soo kordhiyaan cashuur iyo shaqale toona.

Imikana waxay ku dhanyihin dhamaan inta wadanku ka kooban yahay degmooyin bari iyo galbeed koonfur iyo waqooyi.dalkana waxa cashuura kama soo gasho wadankiina way qabsadeen waxaanay ku taamayan oo xataa xaasaskooda usoo kaxaysteen si ay wadankeena u dagaan oo ula wareegaan iyagoo afka Somaliga ah siiba lahjada lagaga hadlo wadanka jamhuuriyada Somaliland ku hadla kuna soo barta wadankooda intanay imanba si ay ugu fududaato inay wadankan ku nolaadan kana shaqaystaan. wadanka waxa ku nool ajaanib kale oo sifo sharciya ku jooga oo haysta Passboradii dalalkooda oo visa ama daganaansho Somaliandahi usaaran yihin waxaan indhahayga ku arkay yamani ka dhacay daganaanshihii oo la mastaafurinayo hadaba su,aashaydu waxay tahay tolo Oromada ma muwaadiniin ayan u aqoonsanay? maxay usoo qaadan waayeen Passboradii dalkooda ileen qaxooti maahee?
Waxaan ugu baaqaya xukuumada maanta ka talisa Jamhuuriyada Somaliland oo uu ugu horeeeyo wasiirka arimaha gudaha in uu si degdega wax uga qabto arimahan si nabad gelyada loo sugo.

1) In dadka wadanka sida sharci darada ugu nool laga mastaafuriyo ciday doonan ha noqdaane

2) dhamaan ajaanibta wadanka ku nool ee ka shaqaysata ay wadanka kusoo galaan sifo sharci lana siiyaa dagaansho ogalaanaya inay wadanka ka shaqaystaan oo cashuur lagu waajibiyo haday shuruudaha shaqada iyo sharciga wadanka buuxin waayan wadanka laga saaro

3) dhamaan xuduudaha iyo marinada dalka laga soo galayo la sugo lana adkeeyo soo galista wadanka

4) In muwaadiniinta la waydiiyo sharciga dhalashada ee wadanka marka ay wadanka kasoo galayaan xuduudaha qofkii laga waayana lagu adkeeyo inu qaato sharciga wadanka si loo ogaado qimaha sharcigu ama sinjiyadu u leedahay dadka iyo dalka sifo kii aan haysana u baadi doonto oo muhiimad wayn usiiyo kii haystaana ilaashado.

5) in haba yaraatee dad xanuuno halisa qaba aan wadanka loo soo daynin oo ajaaniba si caafimaadka muwaadiniinta loo ilaaliyo oo waliba culayska ugu wayn lasaaro marinka Wajaale ee ay kasoo gudbaan dadkan xanuun sanaya ee wadanka ka dawarsada

6) in la sameeyo wacyi galin baahsan oo muwaadiniinta loogu sheegayo qiimaha ay leedahay wadaninimadu iyo inay ka nasiib badan yihin dadka aan wadanka u dhalan ee jooga madama ilahay halkan ku biiray.

7) in wadanka gabi ahaanba dadka ajaanibka ah ee sida sharci darada ah wadanka uga dawarsanaya laga saaro loona sameeyo ciidamo gaara oo la dagaalama dawarsiga ajaanibka.

8) in la xoojiyo lana sii libin laabo dedaalka ku aadan ladagaalanka dadka tahriibka wadankeena ku dhex mara kuna soo gala ee ka gudbaya wadanka iyo kuwa joogayaba,” ayaa lagu yidhi qoraalka Xoghayaha Arimaha gudaha iyo xidhiidhka gobalada xisbiga UCID. Abdiqani Ibrahim Salaf ( kabtanka)

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews