Araweelo News Network

ciroiyouurcade

Hargeysa (ANN)- Xogahayaha guud ee Xisbiga Mucaarad ah ee WADDANI Maxamed Cabdullaahi ayaa ka haddlay isku shaadhaynta uu Madaxweyne Siilaanyo xukuumaddiisa ku someeyey ee ugu danbaysay, waxaanu sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo ballan-qaadiisii uu hore u sheegay uu beenoobay,kaas oo ahaa in uu Xukuumadda tirro yar dhisi-doono.

“Madaxwayne balanqaadkii aad umaddan u balan qaaday inaad dhisi doonto dawlad tiro yar oo tayo leh,waxay kasoo horjeedaa horumarkii iyo waxqabadkii umaddan looga baahnaa dawlad tiro yari inay wax u qabato oo tiradoodu ay kooban tahay oo tayo leh aadbaanu uga xunahay”sidaa waxa yidhi, Maxamed Cabdullaahi Uuracade

Xogahayaha guud ee Xisbiga WADDANI oo haddalkiisa sii wata ayaa sheegay in agaasimayaasha iyo wasiirada siilaanyo qaarkood yihiin kuwo ka sareeyaan wasiirada kale“ Waxaanu runtii u aragnaa uun qaabka wax loo badalay baa iyaduna ah marka aad eegto golaha wasiiradda oo kale, waxaad mooda xukuumadda maanta jirta ama ay tahay in agaasimayaasha qaarkood ka sareeyaan wasiiradooda iyo in wasiirada qaarkood ay ka sareeyaan wasiirada kale ee la midka ah ee digreetada lagu wada magacaabay “sidaas ayuu yidhi Maxamed Uur-cadde.”Ayuu yidhi Uurcade

Dhanka kalena Xogayaha guud ee xisbiga WADDANI, ayaa si gaar ah uga haddlay xilka qaadista wasiirkii wasaradda Biyaha Baasha Cali Jaamac iyo wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada Cumar Sh, Maxamed Faarax”Hadaan tusaale u soo qaato Baashe Cali Jaamac oo kale Cunar yare oo kale, Runtii waxaanu u aragnaa Baashe Cali Jamaac in lagu gafay inuu ahaa ninkii diiwaangalinta bari ka sameeyey umadda reer Somaliland oo dhan ayaa og inuu ahaa nin karti leh inuu ahaa nin dadkan iyo dalkanba daacad u ah waxa lagu badalayna ay tahay waxa ay is diideen cid kamid ah wasiirada, cumar yare laftigiisa wixii lagaga bedelay madaarka waxa lagu haystay uun,”ayuu yidhdi Maxamed C/laahi Uurcade.

Gunaandkii Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI ayaa ka haddlay xadhiga ugaas C/raxmaan Diiriye “Ugaas C/raxmaan Diiriye iyo siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo runtii si sharci darro ah oo ka baxsan nidaamka dowlad-nimo iyo shuruucda qarankani uu leeyahay oo saldhiga ku xidhan oon maxakamada la keenin oo ilaa maanta dadkiina loo diidanyahay in ay u galaan aad iyo aad ayaanu u cambaaraynaynaa,waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa in ay madax-dhaqameedkaa qaranku leeyahay iyo siyaasiyiintaa Xisbiga WADDANI ka tirsan ee uu Muniir kamid yahay in si dhakhso ah loo soo daayo,”