Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) – Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ayaa jawaab ka bixiyey eedo uga yimid wasiiro ka tirsan xukuumada Kulmiye, waxaanu tilmaamay xoghayuhu in masuuliyiintaasi Wasiirada ahi ay yihiin kuwa iyagu dhibaatada dalka ka abuuraya.

Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani waxa uu intaa ku daray in arinka mudaharaadka Gabiley aanu xisbiga Waddani shaqo ku lahayn, balse xisbi ahaan ay u arkaan in dadka rayigooda cabiray ee ka hadlay magaalada Gabiley ay xaq u leeyihiin, xisbiga Waddani-na hadii uu damco inuu Mudaharaad dhigo xor u yihiin sharciguna uu siiyey oo dastuurka uu dhigayo.

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani, Md Maxamed Cabdilaahi Uurcade waxa uu sidaa ku sheegay shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa ugu horayna isaga oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaanu doonaynaa in aanu halkan kaga hadalo arimo dhibaatooyin Xukuumaddu wado oo aan dalkan iyo dadkan dan u ahayn, arintaas oo aanu in badan indhaha ka qarsanay in aanu umadda maqashiino, laakiin aanu imika ku iftiiminayno qaarka mida Inamadda Xilalka qaranka u haya oo runtii dhaafay xilkii ay hayeen iyo waajibaadkii uu qaranku kulahaa una gudbay caytan iyo yooyootan iyo aflagaado ay xisbiyada qaranka maalin walba warbaahinta u la soo fadhiisanayaan, xalay waxaad dhegaysaneyseen oo runtii aan mar ahayn oo laba ahayn uu Xisbiga Waddani ku eedeynaayey arin Gabiley ka dhacday dad ra’yigooda cabiray oo magaaladda Gabiley ka hadlay xaqna u leh dhibka iyo dhibaatadda dalka iyo dadka lagu hayo ka hadlaayey ay u xidheen xisbiga UCID sidii ay sheegaysay Warbaahintu madax ka mida oo masuuliyiinta Gabilay-na ay ku eedeeyeen xisbiga UCID, laakiin aanay ku eedeynin xisbiga Waddani, waxaanu u aragnaa hadii uu Xisbiga Waddani doonayo in uu mudaharaad dhigo waa xor ayuu u yahay sharciga ayaa siiyey oo dastuurka ayaa siiyey oo habeenkiina dhigi mayno ee duhur cad ayaanu dhigaynaa iyo wasaaradda arimaha guddaha horteeda ayaanu ka bilaabaynaa ma jirto, anaga oo eegayna duruufta dalku maanta ku jiro nimnka maanta Xukuumadda xilalka ka haya in aanay qaadi Karin nabadgelyadda dalka hadii aanu dhaq-dhaqaaqsameyno aanay xasilin Karin nabadgelyo daro dhacda, marnaba kumaanaan fikirin waligayo ee waxaanu jecelahay in uu dalku nabadgelyo noqdo”
Maxamed Cabdilaahi (Uurcadde) oo hadalkiisa sii wata Cambaareeyeyna wasiiru Dawlaha Amniga ee Arimaha Guddahaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo dhaliilo u soo jeediyey Xisbiga Waddani waxa uu yidhi “Waxaanu uga digaynaa wasiiradda af-Somali ka bartay Xisbi qaran waa Somali weyn ee maalin walba Tv-ga la soo taagan wax walba Xisbiga Waddani ayaa ka dambeeyey, markay xilkoodii gudan kari waayeen ay qaranka u hayeen inay ku masabidaan Xisbi qaran oo Itaalkiisa iyo wixii awoodiisa ah isaga oo ugu awood badan hadana ilaalinaaya nabadgelyadda dalka kuna qasban yahay in uu nabadgelyadda ilaaliyo oo waxaanu nahay xisbi nabadgelyo ah, waxa noo muuqata, wasiiru dawlaha Arimaha Guddaha Maxamed Muuse Diiriye waad ogeydeen oo markii uu joogay UDUB wuxu ku eedeyn jiray Xisbiga Kulmiye Somali Weyn, Al-Shabaab iyo waxaas ayuu ku eedeyn jiray oo Talafeeshinka (qaranka) ka sii deyn jiray, hadana Xisbiga Waddani ayaa halkii u galay laakiin waxa iman doonta ayaan la xisaabtamo oo gefafka aad yar layska leeyahay dib loo xisaabin doono taasi waa taa, waxaanan uga digaynaa wasiiru Dawlahaasi waxaan leenahay hadii aad nabadgelyo ilaalinayso Gabiley Xafiiskii uu Waddani kulahaa ciidankii qaranka ayaad ku saftay warbaahinta qarankaana laga daawaday ee warbaahinta madaxa banaanba malaha warbaahinta qaranka cid gaara ayaa leh ee waxa laga daawaday ta gaarka ah, wasiir marka aad xisbi qaran ciidanka dul dhigayso ee gurigii muwaadinku dhistay aad ka hor joogsaneyso dadkii uu ka kireeyey oo sharciyan xisbigu xaq u leeyahay in uu guryo ka kiraysto meel kasta oo dalka ah waxaanu u aragna in la xidho kicin iyo nabadgelyo xumo aad rabto wasiiru dawle in la abuuro”
Xoghaye Uurcadde oo ugu dambeyntii si adag uga jawaabay isla markaana aflagaado ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay wasiirka Wershadda Shucabayb Maxamed Muuse oo sheegay inay duruufi keentay in Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu doorashadda Madaxweynaha kula tartamo Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu yidhi “Hadalka waxaan u aragnaa Aflagaado uu qofku wuxu doono ku hadlaayo, hada wasiiradda maanta jooga waxa la wixii ay doonaan ayey iska odhanayaan anagu ma odhaneyno Muuse Biixi in uu tartamo uma qalmo dalka ma xukumi karana ma odhanayno oo hadii aanu nahay Xisbiga Waddani Faysal Cali Waraabe kuma odhaneyno ee muwaadin kasta oo reer Somaliland ah oo Shuruudaha looga baahan yahay buuxiyaana wuu na la tartami karaa af-wasiirna maaha hadii uu sida yidhi” Ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, Md Maxamed Cabdilaahi Uurcade.