Araweelo News Network

Warancade1Hargeysa (ANN)Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in xidhiidh iyo iskaashi dhinaca ammaanka ah ka dhexeeyo dawladda Itoobiya, balse aanay labada dhinac ku xadgudbi karin xadka u dhexeeya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa sheegay in ciidanka Somaliland ka tallaabaan xadka Itoobiya iyagoo haysta fasax, sidoo kalena aanay fasax laa’aan ciidanka Itoobiya ku soo geli karin xadka Somaliland.
“Haddii aannu nahay Somaliland dawlad ayeynu nahay, dawladda Itoobiya-na waxa aynu leenahay xuduud oo ixtiraam ayaannu isku leenahay. Ciidammada Somaliland waxay ka tallaabaan xuduudka Itoobiya oo aniga ayaa amra, fasax ayaanan u qaataa, iyadoo aan ciidanka RRU-da geliyo gudaha Itoobiya oo waxa ay ka soo qabtaan dambiileyaasha, laakiin haddii khalad dhaco waannu saxaynaa oo ma diidanin. Sharci-darro kuma geli karno xuduudka Itoobiya, xuduudka Somaliland-na sharci-darro kuma soo geli karto Itoobiya,” ayuu yidhi Wasiir Warancadde oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyey sida ay u arkaan ciidanka Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo gudaha u soo galay xadka Somaliland toddobaadkan.
Waxa kaloo Wasiirka Daakhiliga wax laga weydiiyey xadhigga wadaad lagu magacaabo Sheekh Aadan Sunne iyo fannaan la yidhaa Farxaan Xiddig oo labadooduba Hargeysa ku xidhan, waxa uu ku jawaabay; “Haddii ay dambi galeen waxa la gaynayaa maxkamadda, la iskana hayn maayo ee waxa la eegayaa dambigooda, haddii aanay dambi gelinna iyagoo muxtaramiin ah ayey halkaas ka baxayaan (xorriyaddooda loo celinayaa). Somaliland oo dhan waa sidaas, muddada ay hadda xidhan yihiinna waa inta kiiskooda la baadhayo. Sheekhu waa sheekheennii, fannaankuna waa fannaankeennii oo weliba in fannaanku iska soo baxo ayaa laga yaabaa,” ayuu yidhi. Warancade.