Araweelo News Network.

Kongareska Maraykanka Oo Xilka Ka Qaadaya Trump Iyo Xiisada Kala Qaybsanaanta Doorashada

Washinton(ANN)-Aqalka Kongareska Maraykanka ayaa bilaabay dood xaasaasi ah oo ka dhalatay markii golluhu galay dooda xil ka qaadista madaxweyne Donald Trump, taas oo ku saabsan doorkii uu ku lahaa duulaankii Kongreska ee todobaadkii hore.

 

Dimuqraadiyiintu waxay madaxweynaha ku eedeynayaan inuu ku dhiirigaliyay taageerayaashiisa inay weeraraan dhismaha Capitol 6 Jan 2020, halkaas oo ay ku naf waayeen Shan qof.

AKHRI:  Jeneraalka Millateriga Maraykanka U Sareeya Oo Heeggan Geliyay Haya’ddaha Amniga Iyo Hanjabaado Cabsi Abuuray

Qaar ka mid ah xisbiga Mr Trump ee xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne Trump kasoo jeedo, ayaa sheegaya inay ku biirayaan xisbiga Dimuqraadiga si ay u ridaan Arbacada maanta, iyagoo si rasmi ah ugu eedaynaya madaxweynaha kicin kacdoon iyo khal-khalgelin, walaw Madaxweyne Trump diiday inuu wax masuuliyad ah ku lahaa rabshadahaa.

Kacdoonka Rabshadaha ee dhacay Arbacadii la soo dhaafay, ayaa bilaabmay kaddib markii Mr Trump uu taageerayaashiisa ugu sheegay isu soo bax ka dhacay Washington DC si ay ugu dagaallamaan xaqooda sida cadaabta oo kale, taas oo lagag soo horjeeday natiijada doorashadii November.

Su’aalo badan ayaa ka dhashay kacdoonkaa, iyadoo sidoo kale lays weydiinayo Trump ma la eryi doonaa, muxuuse mustaqbakiisa siyaasadeed noqonayaa, maadaama dimuqraadiyiintu ay aqlabiyadda ku leeyihiin Aqalka, taas oo muujinay in codbixintu ay u egtahay in ay meel mari doonto.

 

Wakiilka Dimuqraadiga Ilhan Cumar oo iyadu ahayd xildhibaankii soo jeedintan in xilka laga qaado Trump ka hor inta aan la gaadhin munaasibada caleemasaarka Joe Biden 20 Jan 2021.

AKHRI; Maraykanka Diblamaasiyiin Baaq Kasoo Saaray Xaaladda Cakiran

Ilhan waxay soo jeedintaa kusoo bandhigtay Twitter-ka markii ay taageerayaasha Trump qabsadeen aqalka Capitol, waxayna iyadoo ka dhiibanay rayigeeda  doodda aqalka wakiilada ee xilka lagaga qaadayo Madaxweynaha ku jira todobaadkii u danbeeyay tidhi,  “Waxaan weydiisanay inaan indhaha ka qarsan dembiyada, musuqmaasuqa iyo tixgalinta qaanuunka sharciga ee madaxweynaha daalinka ah ee aan ku leenahay Aqalka Cad. Annaga ka ummad ahaan hadda ka dib kama sii jeesan karno.” Ayay tidhi.

In kasta oo shan xubnood oo ka tirsan Jamhuuriyiinta aqalka ay illaa hadda sheegeen inay taageeri doonaan xil ka qaadista, haddana aqlabiyadda ayaa weli daacad u ah madaxweynaha.

 

“Intii aan hore ugu socon lahayn sidii xoog midayn loo heli lahaa, aqlabiyadda waxay doorteen inay naga sii kala qaybsamaan … Aan hore  u eegno, dib ha u soo noqon. Aynu isu nimaadno, oo aan kala tagno,” sidaa waxa yidhi, Tom Cole oo ka mid ah xisbiga Jamhuuriga oo dooda ka qaybgalay.

 

Markii todobaadkii hore loo codeeyay doorashada  139 ka mid ah xisbiga Jamhuuriga ayaa diiday natiijada doorashada 2020 iyo

Aqalka Wakiilada, marka uu meel mariyo qodobka xil ka qaadista , waxayna markaa u jihaysan Golaha Guurtida, halkaas oo lagu qaadi doono maxkamad si loo ogaado dambiyada madaxweynaha.

 

Seddex meelood laba meelood ayaa looga baahan doonaa halkaas si loogu xukumo Mr Trump, taasoo la micno ah ugu yaraan 17 ka mid ah xisbiga Jamhuuriga inay u codeeyaan xukun oo ay raacaan soo jeedinta xilka lagu maxkamadaynayo Trump, walaw  20 xubnood oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Senate-ka la saadaalinayo inay xukumaan madaxweynaha, sida ay qortay New York Times.

 

Waqtiga maxkamadaynta ma cadda laakiin uma badna inay dhammaato ka hor inta aannu Mr Trump xafiiska ka tagin 20 Jan 2021, taas oo ah marka Joe Biden loo dhaarin doono madaxweynaha.

 

Aqalka Senate-ka ayaa sidoo kale adeegsan kara dacwad xil ka qaadis ah si ay uga hor istaagaan Mr Trump inuu mar kale u tartamo xafiiska, maadaama uu muujiyay inuu qorshaynayo inuu u ololeeyo mar kale madaxweyne marka la gaadho 2024.

Codbixintii Arbacadii waxay ka dhigan tahay in Mr Trump ay u badan tahay inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Maraykanka ee abid xilka laga qaado labo jeer.

 

Decembar 2019 wuxuu noqday madaxweynihii seddexaad ee lagu soo eedeeyo eedeymo ah inuu jebiyay sharciga isagoo weydiistay Ukraine inay baadho Mr Biden si kor inta aan la gaadhin doorashada si looga qaado fursadiisa dib u doorashada. Sida ay faafiyeen golaha guurtida.