Somaliland: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Oo Munaasibad Ka Shaaciyay Qorshe Wasaaraddiisu Kula Tacaalayso Dhibaatada Gudniinka Fircooniga
Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa ka hadlay dhibaatada gudniinka Fircooniga, isla markaana wuxuu sheegay in Wasaarad ahaan ay hayaan qorshe cusub oo la doonayo inuu noqdo mid wax weyn ka tara wacyi gelinta caadaysiga gudniinka Fircooniga.


Sheekh. Khaliil, waxa uu sidaa ka sheegay Khudbad uu ka jeediyey Munaasibad uu ka qaybgalay oo loo sameeyey Xuska maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Gudniinka Fircooniga ah oo sannad kasta lixda bisha Febraayo la qabto, taas oo maanta lagu qabtay Hargeysa.


Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil, wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan 1320 Maddarasadood, Macallimiinta Dhigta iyo 1470 Masaajid iyo Culimadooda, sidaa awgeed goobaha Waxbarashada Diiniga ah iyo Ta Maaddiga ah iyo goobaha Cibaadada ee Masaajiddada iyo Jaamacaddaha dalka oo uu sheegay inay xidhiidh dhow la leeyihiin, sidaa awgeed laga samayn karo Wacyigelinta ugu muhiimsan, si looga gudbo caqabadaha muddada dheer soo jirtay ee uu Fircoonigu ku hayo Haweenka Somaliland.

Sh. Khaliil, wuxuu sheegay in Dhibtaatada Gudniinka Gabdha aannu ahayn mid Shareecada Islaamka waafaqsan, isagoo xusay in labadii sanno ee u dambeeyey qaadday Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo Kaashanaysa dhinacyo kala duwan iyo faa’iidada ka dhalatay illaa hadda, isagoo xusay in haddii wacyigelinta qorshaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta la waafajiyo wax badan is bedelayaan, waxaanu Baaq u jeediyey Macallimiinta, Culimada iyo Warbaahinta, wuxuuna tusaale usoo qaatay FATWO la xidhiidha sidii loo joojin lahaa dhibaatooyinka gudniinka oo ay wasaarad ahaan soo saareen laba sannadood ka hor, taas oo sida uu tilmaamay ay kasoo baxeen aragtiyo kala duwan oo ay qaarkood tilaamamayeen in daneeyayaasha barnaamijkani codsadeen in lagu noqdo wax ka badal iyo faah-faahina lagu sameeyo.


“Waxa aanu si toos ah u maamulnaa oo aanu gacanta ku haynaa oo noo Diiwaan gashan in kabadan, 1320 Malcamadood, iyo 1470 Masaajid. Guud ahaan ardayda Malcaamadahaasi dhigataa waxa ay kor u dhaafayaan 370,000 arday, Wiilal iyo Hablo intaba. Tiradaasi guud ee aan sheegay habluhu waxa ay kayihiin 44%. Wiilashuna 56% Sidoo kale macallimiinta dhigta Qur’aanka, Imaamyada Masaajidda, iyo Muda’idiinta oo marka la isku daro kummanaan ah haddii ay wacyigelinta aynu doonayno si toos ah u galaan iyaga oo fulinaya amarka Wasaaradda, waad dareemi kartaa xaddiga ay leedahay iyo Midhaha laga filan karo.” ayuu yidhi, Sh. Khaliil.
Mar uu ka hadlayay arrimahaa, wuxuu sheegay in dabayaaqadii Sannadkii tagay ee 2019, Wasaarad ahaan, iyagoo kaashanaysa Hay’adda UNFPA, waxay la tashi badan ka dib ku dhawaaqeen Guddi culimo ah oo kakooban 9 xubnood, kuwaas oo sida uu sheegay dhamaan ay kujiraan gobalada dalku.


Ujeedada gudida ayuu ku macneeyay inay ahayd sidii loo heli lahaa gudi kasoo tala bixisa hogaamisana hanaanka Wacyigelineed ee la dagaalanka dhibaatoyinka gudniinka, shuruucda la xidhiidha iyo dhamaan arimaha bulshada ee noocaa ah, wuxuuna xusay in wasaarad ahaan iyagoo gacan ka helaya, islamarkaana si dhow ula shaqeeyeen dhammaan Wasaaraddaha iyo hay’addaha ku hawlan joojinta FGM-ka.

Wasiir Khaliil, ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda Shaqa-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo Xafladda Xuska maalinta Caalamiga ah ee cidhib tirka Gudniinka Fircooniga soo diyaarisay, sidoo kale, wuxuu u mahad celiyay dhakhaatiirta Somaliland oo uu sheegay bulshada ka wacyigeliyaan dhibaatada baahsan ee uu ku hayo gudniinka fircoonigu.

Isku dayga Joojinta Gudniinka Fircooniga ah intii ay Somaliland Jirtayba Dalka Ka Socotay, haddana weli laguma guulaysan cidhib-tirkiisa. Hase-yeeshee, hadda waa markii ugu horreysay ee ay Xukuumadda Somaliland soo bandhigto qorshayaashan cusub ee ka duwan jidadkii hore ee loo mari jiray wax ka qabashada dhibaatooyinka Gudniinka Gabdhaha ee aan Shareecada Islaamka waafaqsanayn.