faransiiskaamankaparis
Paris(ANN)Xoogaga ammaanka, ee faransiiska ayaa weeraray saacadihii lasoo dhaafay dhisme ku yaala Saint Denis ee Woqooyiga Paris, hawlgalkaas oo khasaare ka dhashay,waxaana la rumaysanyahay inay ku dhuumanayeen oo ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah ragga la aaminsan yahay in ay ka dambeeyeen weeraradii Magaalada Paris ka dhacay Jimcihii ina dhaafay.
Haweeney laga shakiyay oo xidhneyd jaakadda ka sameysan walxaha qarxa, ayaa is qarxisay, xilli Boolisku ay isku deyayeen in ay gacanta ku dhigaan, iyadoo nool. Boolisku waxay sheegeen in qaraxaasi uu ku dhintay mid ka mid ah eeyda u tababaran hawlgalada.
Nin lala xidhiidhinaayo kooxdii ku sugneyd dhismaha la weeraray, ayaa toogasho lagu dilay. Waxaa kaloo jira illaa toddobo qof oo laga shakisan yahay oo la xidhay.
Booliska, ayaa Twitter-ka ku sheegay in shan ka mid ah Ciidanka Booliska ay ku dhaawacmeen waxa loogu yeeray hawlgalka ka dhan ah argagaxisada.
Booliska, ayaa baadi-goob ugu jira Abdelhamid Abaaoud oo u asalkiisu yahay Moroccan, sidoo kalana haysta dhalashada dalka Belgium, mana suurtagelin in gacanta lagu soo dhigo. Abaaoud oo lagu eedeeyay in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weeraradii Paris, ayaa waxaa kol hore soo baxay warar sheegaaya in uu ku sugan yahay dalka Suuriya, inkastoo ay dib ka soo baxeen warar intaasi shaki gelinaaya.
Goobaha waxbarashada ee ku yaala Saint Denis, ayaa la xidhay, waxaana muwaadiniinta lagu wargeliyay inaanay guryahoodu ka soo bixi karin, illaa amar dambe.
Dadka deegaanka, ayaa Warbaahinta u sheegay intii uu hawlgalku socday in ay maqleen qaraxyo iyo rasaas xoogan, rasaasta ayaa ahayd mid laba dhinac ka dhaceysay.
Xoogaga sida gaarka ah u tababaran ee loogu yeero Elite police, ayaa ka soo muuqday hawlgalkii maanta, iyagoona gacanta ku dhigay illaa toddobo nin oo argagaxisnimo loo haysto.
Dawladda Faransiiska, ayaa weeraro culus oo dhinaca cirka ah ku qaaday degaanno ku yaal gudaha dalka Suuriya oo la tuhunsan yahay inay fadhiisin u yihiin dawladda Islaamiga ah ee ISIS, iyadoo weeraro dheeraad ah la qaaday 24-kii saac ee u dambeeyey.

Dhinaca kale Wasaaradda Difaaca Faransiiska, ayaa sheegtay in ay fuliyeen duqayno badan shalay, kuwaasoo diyaaradahooga dagaalku ilaa 16 bambo ku dhufteen degaanno ay ku tuhunsan yihiin dagaalyahannada Daacish, gaar ahaan magaalada la yidhaah Raqqa ee gudaha dalka Suuriya.

Hawlgaladan ayey ku doonayaan in ay kaga aargoostaan kooxda Daacisho oo sheegatay weerar Jimcihii lagu qaaday magaaladda Paris oo lagu dilay ugu yaraan 129 qof, tiro boqolaal qof aka badanna lagu dhaawacay.

“Bartilmaameedyada waa la duqeeyey, si joogta ahna waa loo burburiyey. Waxa hawlgalkan nagu wehelinayey ciiddamada Maraykanka, waxaana looga gol lahaa in goobo la calaamadsaday la duqeeyo, hawlgalkana waxa hore u fuliyey dawladda Faransiiska.” Sidaa waxa lagu yidhi hadal ka soo baxay Wasaarada Difaaca ee dalka Faransiiska shalay.

Wasiirka Difaaca Faransiiska, ayaa Axaddii toddobaadkan sheegay in 30 diyaaradaha dagaalka ah ay burburiyeen xarun tababar oo kooxda Daacish (ISIL) ku lahayd magaalada Raqqa ee waqooyiga Suuriya.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380