Araweelo News Network

diyaaradaharuushkaTehran(ANN)Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Xukuumadda Ruushka ay joojisay in diyaaradaheeda dagaalka ay adeegsadan jiray Saldhigga Cirka ee lagu magacaabo Hamadaan ee kuyaalla Dalka Iiraan, kuwaas oo duqaymo dhinaca cirka ah oo ay ku bartilmaameedsanayeen goobo kuyaalla Dalka Suuriya ka waday halkaa maalmihii lasoo dhaafay.

Wakaaladda Wararka ee Ruushka ayaa sheegtay in Xukuumadda Moscow ay dhankeeda hakisay inay adeegsato Saldhiggaasi, todobad kadib markii diyaaradaha Ruushku ay billaabeen inay kasoo kacaan garoonkaasi, islamarkaana ay duqeymo ka geytaan deegaanno kuyaalla Waqooyiga iyo bariga dalka Suuriya.

Illaa iyo hadda lama oga sababta ku kalliftay Ruushka inuu hakad geliyo isticmaalka diyaaradihiisa dagaalka ee Saldhigga Hamadaan ee Koonfurta dalka Iiraan, hase yeeshee Wasiirka Gaashaandhigga ee Iiraan Xuseen Dahqaan ayaa sheegay in qaabka ay Ruushku u iclaamiyeen tagitaanka diyaaradahooda dagaalka ee garoonka Hamdaan uu ahaa mid u eg qaab dhool-tus oo kale oo ay kusoo bandhigayeen awoodooda.

Masuulka u hadlay Iran waxa uu beeniyay inuu jiro heshiis Ruushka u ogolaanaya inay ka dagaan garoonkaasi, balse kaliya ay u ogolaadeen inay halkaas ay soo dagaan, kana duulaan diyaaradahooda dagaalka, sidoo kalena ay Shidaal ka qaataan.

Wasiirka gaashaandhigga Iiraan Xuseen Dahqaan waxa uu xusay in Nidaamka Bashaar Al-Asad uu ka dalbday Xukuumadda Tahraan in diyaaradaha Ruushka ay u ogolaadaan adeegsiga garoonka diyaaradaha ee Hamdan, balse aanu jirin heshiis rasmi ah oo dhigaya in Ruushku uu saldhig joogto ah ka sameysto Garoonkaasi.

Tan iyo intii Ruushku uu ku dhawaaqay in diyaaradihiisa dagaalka ay usoo wareegeen garoonka Hamadaan waxaa sii kordhay duqeymaha joogtada ah ee lagu garaacayo gobollada Waqooyi ee dalka Suuriya, waxaana duqeymahaasi maalmihii lasoo dhaafay ku dhintay tobonaan ruux oo rayid ah, balse lama oga sababta loo hakiyay, iyadoo Dalalka Maraykanka iyo xulufadiisu si weyn u canbaareeyeen isticmaalka Ruushka ee Saldhiga Iran, kuwaas oo ku tilmaamay mid ka hor imanay qawaaniinta caalamiga ah, maadaama weli Iran cunaqabatayn saaran tahay.