Share this:

" />
Published On: Fri, Apr 6th, 2018

Dhaxalsugaha Sucuudiga Mohamed Bin Salaman Oo Booqday Hollywood-ka

Smiley face

Araweelo News Network

 

Los Angeles, California(ANN)-Ninka leh dhaxalka boqortooyada Sucuudiga Maxamed Binu Salmaan ayaa aad loogu soo dhaweeyay naadiga hobolada aflaamka ee Hollywood-ka ee dalka Maraykanka, kadib markii Sucuudiga uu mamnuucis ka qaaday daawashada aflaamta.

Muddo 35 sano ayay aflaamta mamnuuc ka ahaayeen Sucuudiga, Waxayna qaadista xayiraadaasi u muuqataa mid ay  si weyn usoo dhaweeyaan dadka maalgashada aflaamta iyo kuwa sameeya intuba.

Maxamed Bin Salmaan ayaa casho sharaf loogu sameeyay guriga ninka taajirka ah ee Rupert Madock, ee ah mulkiilaha shirkadaha warbaahinta iyo waliba dad sarsare oo ka tirsan bahda aflaamta.

 

Dadka cashada ka qeybgalay waxaa ka mid ah jillaaga caanka ah Dwayne “The Rock” Johson, kaas oo qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ku sheegay in uu socdaal ku tagi doono dalka Sucuudiga kadib casuumaad uu ka heley qoyska boqortooyada.

Wuxuu intaas ku daray in uu Sucuudiga u qaadan doono Khamriga  loo yaqaano tequila oo ka mid ah kuwa ugu qaalisan.

Khamriga iyo Sucuudiga?

Hoteelkan oo dhan waxaa wada kireystay waftiga Maxamed Binu Salmaan
Qamriga muddo dheer ayuu mamnuuc ka ahaa Sucuudiga, qofkii lagu helana waxaa lagu xukumi jiray jeedal, balse hadda waqtiga aad ayuu isu badalay.

Waftiga balaadhan ee la socday Maxamed Bin Salmaan ayaa qabsaday hoteelkii oo dhan, iyada oo meeshana lagu soo bandhigay wax kasta, laga bilaabo muusig illaa cunto ceyn kasta leh iyo sharaab.

Sharaabkaas waxaa ka mid ah khamriga oo noocyo aad u kala duwan ah, waxayna ahayd habeen aad loo caweeyay, si balaarana loo kifaaxay.

Shirkad lagu magacaabo AMC oo soo saarta Aflaamta oo Maraykanka laga leeyahay, ayaa qorsheynaysa in ay Sucuudiga ka furto illaa 30 shineemooyin ah.

Dadkii kale ee cashada ka qeybgalay waxaa ka mid ah Rick Licht oo ah agaasimaha shirkadda Hero Ventures, wuxuuna sitay dubbaha uu caanka ku yahay filimka Avengers ee Hollywoodka.

Rick waxa uu doonayaa in uu Sucuudiga geeyo Kayntiisa guurguurta ee lagu magacaabo The Marvel Experience. Halkaas oo waxyaabaha ceynkan oo kale ah ay mamnuuc ka ahaayeen.

Wakaaladda madadaalada Sucuudiga ayaa soo bandigtay ay dadka Sucuudiga 70% ay da’dooda ka yartahay 30 jir, kuwaas oo hammuun badan u qaba madadaalo. Dadka Sucuudiga waxa ay tiro ahaan dhanyihiin 32 Milyan oo qof.

Booqashada Maxamed Salmaan ayaa farxad weyn u ahayd bahda Hollywood-ka, kuwaas oo aflaamta ay jillaan inta badan ku matala Amiir ama Amiirad, kuwaas oo uu jacayl daran dhexmaray, sidaasi darteed markii uu u tagay dhaxalsugihii rasmiga ahaa oo wata hanti badan, aad ayay ugu farxeen.

source: BBC

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face