#Araweelo_News_Network.

Qaza(ANN)-Guutooyinka Xamaas ee Al-Qassam oo si aad ah u hubaysan, isla markaana ku jira mintidnimo iyo xeelado dagaal oo naf hur ah, ayaa guuldaro geyaysiisay Ciidamada Israel iyo xullufadda Maraykanku hoggaamiyo dagaalka Qaza ee socday in ka baddan laba bilood.

 

Dagaalyahanka Xamaas, ayaa ayaa ka horyimid ciidankii Israel ee qabsaday dhulka Falastiin, waxayna weerarada kuwii ugu xumaa ka socdaan guddaha Qaza, iyadoo xaafaddaha  iyo burburka dhismayaasha laysku haleelay.

 

Dhanka kale, iska caabinta falastiiniyiintu waxay sii wadaan hawlgalada weerarada iska caabinta iyo kuwo xeeladaysan oo jaah wareer ku riday Millateriga Israel ee IDF, kuwaas oo Guutooyinka Xamaas ee Al-Qassam siinayaan jawaabo ugu yaraan xussuusinaya xasuuqii ay shacabka Falastiin ku wadeen iyo burburintii aannay u miidaan deyin sida uu sheegay Afhayeenka Al-Qassam.

 

 

Al-Qassam ayaa ku dhawaaqay in tiro askar ah oo Israa’iiliyiin ah lagu dilay dagaalka ka socda goobaha sida ba’an laysugu waajahay, sidoo kalena lala beegsaday weeraro gaadiid dagaal, iyadoo meelaha xaafadda Shujaiya ee Bariga magaalada Qaza iyo magaalada Khan Yuunis ee koonfurta marinka Qaza ay noqdeen kuwo cashar loogu dhigay Israel.

 

Afhayeenka Al-Qassam Abu Xamsa ayaa muuqaalo si isdaba jooga ula wadaagaya warbaahinta aduunka ficilada dagaalka, isagoo tilmaamay in Al-Qassam ay  beegsatay 20 askari oo ka tirsan ciidamada gumaysiga oo isku gadaamay dhisme ku yaalla deegaanka Sheekh Radwaan ee magaalada Qaza, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

 

Dhankeeda, guutada Al-Qudus ayaa ku dhawaaqday inay gantaallo ku garaacday dhismaha “Miftaim” ee Marrinka Qaza.

Afhayeenka ayaa sheegayn in dhinacooda 20 ka mid ah askartooda lagu dilay tan iyo markii uu bilowday duulaanka dhulka ee Marrinka Gaza oo ay ku qaadeen weeraro saaxiibtinimo iyo weeraro ciidamada cirka ah.

 

Israel ayaa sheegtay in tirada askarta iyo saraakiisha dhaawacantay ay kor u dhaaftay 600 oo askari.

 

Horaantii Salaasadii maanta ayay ciidanka Israel ku dhawaaqeen in tirada askartooda iyo saraakiishooda laga dilay tan iyo 7-dii October ay gaadhayaan 435, oo ay ku jiraan 105 la dilay tan iyo markii uu billowday howlgallada dhulka ah.

 

Dhinaca kale, Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay, isagoo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah oo aan la magacaabin, in “ciidanka Israel ay bilaabeen innay biyaha Badda ku shubaan dhufaysyada godadka ee Xamaas oo ku yaal dhulka hoose ee Qaza, wuxuuna Wall Street intaa ku daray in hawlgalku uu qaadan doono toddobaadyo.”

 

“Qaar ka mid ah saraakiisha maamulka Biden ayaa sheegaya in laga yaabo in hawlgalku gacan ka geysto burburinta dhufays-yada, taas oo Israa’iil ay aaminsan tahay in dhaqdhaqaaqa uu qarinayo maxaabiis, dagaalyahanno, iyo rasaas.”ayuu yidhi, Wall Street.

 

Hase yeeshee waxa arrintan ka digaya Saraakiil qaramada Midoobay iyo dawladdo si weyn ula socda xaalladda, kuwaas oo ay xoojinayaan dublamaasiyiin Maraykan ah, isla markaana laga soo xigtay  innay ay walaac ka muujiyeen in biyaha Baddu ay halis gelin karaan biyaha macaan ee Qaza, sidoo kale ay masiibo bini’aadanimo sababi karaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com