#Araweelo_News_Network.

Yemen San”a(ANN)- Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa Gantaalo la beegsaday Markab marayay Badda Cas, taas oo sii xoojisay welwelka iyo cabsida marinka Badda Cas.

 

Sidaana waxa sheegtay wakalaadda wararka ee Reutres oo soo xiggaysa sarkaal Maraykan ah.

Xuutiyiinta ayaa bartilmaansaday maraakiibta u doonaya innay ka gudbaan Badda Cas ee ay ka gudbaan gaadiidka u kala goosha aduunka.

 

Markabka oo ahaa mid ganacsi ayaa marayay marka lala beegsaday gantaalka Koonfurta Badda Cas Gantaalka ayaa lagu sheegay inuu ahaa gantaal nooca dhulka ah oo laga soo riday guddaha dalka Yemen oo ay maamulaan Xuutiyiinta, sida uu sheegay sarkaalka Maraykanka ah.

Laxidhiidha: Maraakiib Dagaal Oo Maraykanku Leeyahay Oo  Lagu Weeraray Badda Cas

Sidoo kale, Taliska dhexe ee Maraykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in habeenkii Isniinta uu dhacay wararka oo sababay khasaare. Iyadoo dab ka kacay guddaha Markabka ganacsiga, balse lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Dagaalka ka socda Qaza ee u dhexeeya Israel iyo Xamaas ayaa saamayn weyn ku yeeshay ganacsiga iyo marina Buyaha Badda Cas, iyadoo Xuutiyiinta oo ka cadhaysan dhibaatada xasuuqa Israel ku hayso shacabka Falastiin, Isla markaana ku hanjabeen innay xidhayaan marin biyoodka Bab Al mandeb oo ay maamulaaan.

Laxidhiidha: Xuutiyiinta Yemen Oo Ruxay #Amniga Iyo Xasiloonida Dhaqaalaha Dunida Ee Ku Mergaday Dagaalka Qaza

Dhacdadan ayaa ah midii ugu dambaysay ee ka doo cusboonaatay Xuutiyiinta Yemen ee ay Iran taageerto, kuwaas oo gantaalo iyo diyaarado aan duuliye lahayn hore ula beegsaday maraakiibta gobolkaasi marayey si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Xamaas.

 

Sidoo kale, waxay hore u leexsadeen Markab lags leeyahay Israel oo marayay Koonfurta Biyaha Badda Cas, waxayna weerraro iyo Gantaalo ku garaaceen Israel intii uu socday Dagaalka Qaza.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com