#Araweelo_News_Network.

London (ANN)-Markab ganacsi oo ay afduubteen kooxo aan la garanayn ayaa weli ku sugan xeebbaha Soomaaliya taas oo sare u qaadaysa cabsida laga qabo xasillooni darro hor leh oo soo waajahda maraakiibta caalamiga oo doonaya innay ka gudbaan Badda Cas.

Arrintan ayaa ah mid muujinaysa innay sii kordhayaan weerarada ka socda Badda Cas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganayss ilo-wareedyo dhinaca ammaanka Baddaha ah Isniintii.

Dhinaca kale, Markab ay leeyihiin ciidamada Badda Spain ayaa si xawli ah Jimcihii loogu soo diray markabka MVRuen, kaas oo uu ka babanayay calanka Malta, waxayna ilo-wareedyada ay soo xiggatay Reuters u sheegeen in la afduubay markabka xamuulka ah xilli uu marayay Badda Cas.

MV Ruen oo kasoo shiraacday dekada Granngyang (Kuuriyada South Korea) ayaa siday xamuul bir ah, waxaana qiyaastii laga leexiyay meel Boosaaso u jirta 680 nautical miles oo dhanka Bari kaga beegan, halkaas oo koox budhcadbadeed Soomaali ah oo lagu qiyaasay 6 qof ka  afduubtay  MV Reun, sida aannu kasoo xigganay wakaaladda wararka ee ANI.

Laxidhiidha: Xuutiyiinta Oo Gantaalo Ku Weeraray Markab Ganacsi Oo Marayay Badda Cas

Shirkadda ammaanka Badda ee Britain ee Ambrey ayaa dhankeeda sheegtay in markabka uu gaadhay 17 December 2023, meel ka baxsan xeebta Boosaaso oo dhanka xeebaha Bariga Soomaaliya ee usii jeeda Badweynta India, gaar shaan maamul goboleedka caanka ku ahaa afduubka gaadiidka Badda ee Puntland oo ay fadhiisimo ku lahaayeen kooxaha deegaanka ee xeebaha Puntland, Soomaaliya.

Goobta ugu danbaysay ee  markabku ku jihaysnaa ayaa lagu sheegay innay u dhaxayso Eyl iyo Xaafuun Jasiiradda (Soomaaliya). waxaase la sheegayaa in aan weli la hayn dalabka ay leeyihiin afduubayaashu oo aan weli la oggayn.

Laxidhiidha: Maraakiib Dagaal Oo Maraykanku Leeyahay Oo  Lagu Weeraray Badda Cas

“Tani waxaa lagu qiimeeyay innay noqonayso afduubkii ugu horreeyay ee markab ganacsi oo ay budhcadbadeedda Soomaaliyeed u geystaan afduub, tan iyo wixii ka danbeeyay afduubkii ARIS 13 sannadkii 2017.

Sidoo kale, waxa la qiimeeyay innay jirto khatar sii kordhaysa oo khalkhal kusii kordhinay ganacsiga iyo gaadiidka Badda Cas, iyadoo ay muddooyinkan tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Israel iyo Xamaas ay Xuutiyiinta Yemen ka fuliyeen Badda Cas weeraro sababay cabsi weyn iyo afduubka maraakiibta, iyagoo ku hanjabay innay ugu aarayaan shacabka Falastiiniyiinta ee Israel ku xasuuqay Qaza oo dunnidu indhaha ka qarsanay.

Laxidhiidha: Xuutiyiinta Yemen Oo Ruxay #Amniga Iyo Xasiloonida Dhaqaalaha Dunida Ee Ku Mergaday Dagaalka Qaza
Dhinaca kale, ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee EUNAVFOR ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters Isniintii in dhacdadu ay wali socoto Isla markaana wada shaqayn dhow ay la leeyihiin maamulka deegaanka Soomaalida”, waxayna intaa ku daraneen innay wadaan hawlo la isku dubaridayo oo la xidhiidha dadaallada daba-galka iyo wadaagga xogta, laakiin ma xusin innay qorshaynayaan in lasoo furto markabka oo awood loo isticmaalayo iyo in ay qaadayaan tallaabooyin kale.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com