#Markab #Israel Leedahay Oo Ay Ka Leexsadeen Marrin Biyoodka #Bab_Al_Mandab

#Araweelo_News_Network.

Warbixin: By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

#Yemen, Sanca (ANN)-Xuutiyiinta Yemen ayaa qabsaday Markab xamuul oo marayay koonfurta Badda cas, xilli uu ka shiraacday Turkiga kuna sii jeeday Hindiya, isagoo ka gudbaya marrin biyoodka muhiimka ah ee Bab-el-Mandeb -el-Mandeb ee Koonfurta Yemen.

Millateriga Israel ee loo soo gaabiyo IDF, ayaa sheegay in markabka laga qabtay halkaa xilli uu ku jiray safarkiisa, waxayna tallaabadaa ku tilmaameen “dhacdo aad u xun oo heer caalami ah”.

Sida ay IDF, ku sheegeen Qoraal ay soo dhigeen barraha bulshada waxay ciidamadu intaa ku dareen in Markabka oo aannay magcaabin, balse ay soo baxday in lagu magcaabo (Galaxy Leader Ship SKY ) uu aannay lahayn Israel, isla markaana  aannu jirin qof ka mid ah shaqaalaha kuruuga saaran oo Israel u dhashay.

Xuuthiyiinta oo xullafo la ah Iran ayaa gantaalada riddada dheer iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ku garaacaya Israa’iil toddobaadyadii la soo dhaafay, iyagoo beegsaday Koonfurta Israel ee  Eilat oo ay ku taal warshad lagu safeeyo saliidda, inkasta oo Marab kuwa dagaalka ah oo Maraykanku leeyahay sheegay in uu qabtay gantaalaha iyo Diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn, balse waxa markaa kaddib soo baxay in la burbiriyay warshada lagu safeeyo shidaalka ee Eilat oo khasaare weyn soo gaadhay.

Dhinaca kale, Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisa aannu ku lug lahayn lahaanshaha Markabka (Galaxy Leader Ship SKY ), isla markaana aannay qayb ka ahayn hawlgalka, ama shaqaalaha caalamiga ah.

 

“Waxa aan fahamsanahay in shirkadda Maraakiibta qayb ahaan uu leeyahay ganacsade Israa’iili ah tanina ma noqonayso markii ugu horraysay ee mid ka mid ah maraakiibtiisa la qabto. 2021 mid ka mid ah maraakiibtiisa ayaa la beegsaday weerar sidan oo kale ah.ayuu yidhi, Netanyahu, sida laga soo xigtay warbaahinta dawladda Israel.

Xuutiyiinta Yemen ayaa dhankooda 12 saacadood ka hor soo saaray bayaan muuqaal ah oo ay ku sheegeen innay bilaabayaan beegsiga Maraakiibta ku sugan Koonfurta Badda cas ee ay u arkaan innay Israa’iil leedahay, ama ku lug leedahay, iyagoo sabab uga dhigay xaaladda Gaza awgeed.

Xuutiyiinta ayaa awood ku maamula Bab-el-Mandeb, kaas oo ah mid ka mid ah 15 Marrin Boyood ee ugu muhiimsan Caalamka ee maraakiibta isaga gooshaya dacalada aduunka ahmiyada weyn u leh, sidoo kale waa mid ka mid ah kuwa ugu xaasaasisan ee ahmiyada weyn u leh dhaqaalaha iyo isku xidhka ganacsiga aduunka  iyo amniga dunida oo dhan.

Xuutiyiintu waxay isku dayayaan innay Israa’iil la beegsadaan weerarrada aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha, iyagoo qaaday weerarro si xidhiidh ah ay ula beegsadeen tan iyo markii uu bilaabmay duulaanka Israel ee Qaza oo dhaliyay xasuuq bahanimo ah iyo dhacdooyin ka baxsan bini aadanimada oo ay samaysay Israel, iyadoo taageero ka helay Maraykanka iyo xullufaddiisa.

Sidoo kale, Israel ayaa dhegaha ka furaysatay dhawaaqyada Qaramada Midoobay, baaqyada gollaha amaanka iyo guud ahaan dhawaaqyada sida xidhiidka ah uga imanaya mujtamaca Caalamka ee lagu dalbanayo innay joojiso xasuuqa iyo go’doominta dagaalka ay kula jirto Xamaas iyo shacabka Falastiin tan iyo weerarkii Xamaas ku qaaday guddaha Israel ee loo bixiyay duufaankii Al-Aqsa.

Xuutiyiinta ayaa ayaa gacanta ku haya wixii ka danbeeyay dagaalkii Yemen iiyo Xullufadda Sacuuduga ee Maraykanku taagerayay March 2015, markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Yemen, iyagoo guuldaro u xanbaariyay duulaanka, taas oo ku khasabtay Sacuudiga inuu heshiis la galo Xuutiyiinta Yemen.

Wixii ka danbeeyay xilligaa amaanka marrinka  Bab-el-Mandeb,  wuxuu ahaa mid gacanta ugu jira Xuutiyiina xullufada la ah Iran oo iyaduna ugu awood sheegatay Israel, Maraykanka iyo xuluffadooda marrinka kale ee ahmiyada weyn Hormuz., iyadoo shidaalka iyo ganacsga aduunka ee ugu baddan ay maraan labada Marrin, taas oo walaac weyn ku abuuray Beesha caalamku  oo aad uga werwersan in labada Marrin ee Hormuz iyo

Bab-el-Mandeb, ay khal-khal geliyaan amniga dhaqaalaha iyo xasiiloonida aduunka, isla markaana sii kordhiyaan xiisadda dagaalka Israel iyo Xamaas oo socda 43 maalmood, kaas oo aannay weli Israel iyo xullufadda Maraykanku hoggaaminayaa wax guul ah ka gaadhin.Waqtigan xaadirka ah, celcelis ahaan 17,000 Markab ayaa soo mara Marrinka Bab-el-Mandeb, iyada oo 42,000 ay sii maraan marrin biyoodka Hormuz ee Iran ku hor kaadido.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com