Xisbullah Iyo Xamaas Oo Ku Khasbay Millateriga Israel Innay Dib U Gurtaan Iyo Khasaaraha Gaadhay

#Araweelo_News_Network.

Beirut (ANN)-Xisbullah ayaa markale weeraro gantaalo ah ku qaaday ciidamada Israel ee IDF ee ku dhaw xadka Lubnaan. Dagaalyahanka Xisbullah oo ka mid ah kuwa ay Iran taageerto ayaa lagu soo waramayaa inay rideen gantaalada Balaastikada ah ee Burkan (Volcano).

Laba ka mid ah gantaalaha ay rideen Xisbullah ayaa la sheegay inay ku dhaceen xerada Branit ee Israa’iil, waxaana laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah in Dab weyn ka kacay goobta ay ku dhaceen xerada Israel.
Sidoo kale, wax yar kaddib markii la sheegay in gantaalada Burkan lagu weeraray xerada Millateri ee Israel waxa soo baxay .Muuqaalo la soo bandhigay oo muujinaya qiiq ka baxayay keydka ciidamada Israel ee xeradaa.

Dhinaca kale, Xamaas oo adeegsanay gantaalka Al-Yaasiin 105 ee Guutada Al-Qassam oo ah garabka Millateri ee Ururka Xamaas ayaa baahiyay muuqaalo ay ku bartilmaameedsanayaan ciidamada dagaalka weyn ku dhexmarayo Qaza, kaas oo galay maalintii 45aad, iyadoo aannay muuqan wax guul ah oo ay Israel iyo xullufadeeda Maraykanku ka gaadheen.

Abu Cubayda oo ah Afhayeenka guutooyinka Al Qassamka, isla markaana ka tirsan Xamaas ayaa bayaan cusub oo uu soo saaray ku sheegay khasaaraha Israel, isagoo xusay in kooxdu burburisay ilaa 62 baabuurta gaashaaman ee Israel oo ay qayb ka yihiin Taangiyada Afartii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo Abu Cubayda toddobaadkii hore sheegay in ilaa 160 gaadiidka gaashaaman iyo Taangiyada Millateriga Israel lagu burburiyay dagaalka tan iyo bilawgii, isla markaana khasaare weyn oo jebiyay qabkii duulaanka Yuhuuda la jebiyay oo afka dhulka loo dhigay.

Sida laga soo xigtay Cubayda , mintidiinta Xamaas ayaa kula dagaallamaya jid muhiimka ah oo ka mid ah waddooyinka dhanka Waqooyiga ee Qaza, wuxuuna xusay in iska caabinta Xamaas iyo garabka ay ka helaayan Xisbullah ay ku khasabtay ciidamada Israel inay dib uga gurtaan meelaha qaar.

Israel ayaa dagaal dhiig badan ku daatay iyo xasuuq ku qaaday Qaza 7-dii October kaddib markii dhaq-dhaqaaqa iska caabinta Xamaas ee Falastiiniyiinta ay bilaabeen howlgalka Duufaanta Al-Aqsa ee dhulka la haysto.

Tan iyo markii uu bilowday duulaanka gardarada ah, maamulka Tel Aviv wuxuu dilay 13,000 oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan in ka baddan 5,500 oo caruur ah iyo 3,500 oo haween ah, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 30,000 oo kale.

Israel ayaa sidoo kale ku soo rogtay Qaza “go’doomin buuxda” xeebta, iyada oo ka jartay shidaal, Laydh, cunto iyo biyihii in ka baddan laba milyan oo Falastiiniyiin ah oo halkaas ku nool, waxayna si toos ah u burburisay Cusbitaalada iyo dhammaan goobaha adeegyada aasaasiga ah.

Axadii shalay ciidamada qalabka sida ee Yemen ayaa qabtay markab Israel laga leeyahay waxayna xidhxidheen daraasiin ka mid ah shaqaalihiisa xilli uu marayay Badda cas si ay u taageeraan falastiiniyiinta xilli ay Israa’iil sii wado xasuuqa ay ku hayso shacabka Falastiin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com