#Araweelo_News_Network.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Qaza(ANN)-Israa’iil ayaa wacad ku martay in ay baabi’in doonto xukumada Qaza ee Xamaas, kuwaas oo 7-dii Oct, 2023, ku qaaday guddaha Israel weerarkii ugu yaabka badnaa ee loo bixiyay duufaanka Al-Aqza.

Weerarka lagu qaaday Israa’iil ayaa dhaliyay rabshadihii ugu dhimashada badnaa ee Israa’iil iyo Falastiiniyiinta tobannaan sano.

Dagaalku waxa uu hore u dilay kumannaan Falastiiniyiin ah, sidoo kale, waxa uu barakiciyay in ka badan afar-meelood saddex meelood dadka Qaza oo dhan 2.3 milyan oo qof.

 

Durba cadaadiska sii kordhaya ee xulafadeeda Maraykanku ugu horeeyo, Israa’iil waxay u muuqataa innay qorshaynay sidii ay dhirbaaxo weyn oo abuurta masiibo bini”aadanimo iyo dhimasho tira beesha ugu dhifayn lahayd  Xamaas, wallow waxyeelada Israel ee duulaanku aannu ahayn mid ay Xamaas ku waxyeelaynay, balse shacabka Falastiin ay ku xasuuqday, sida dhacday tan iyo markii ay bilawday dagaalka duulaanka Qaza ee Burburinta iyo go’’doominta socotay ku dhowaad laba bilood oo aannay wax guul ah ka gaadhin.

Dadka falanqeeya dagaalka Israel iyo Xamaas ayaa tilmaamaya in haddii ay taasi suurtogal tahay, marka la eego xididdada hoose ee kooxda ee bulshada Falastiin waa Xamaase,  Israel qorshaysay duqaymo cawaaqib weyn reeba oo ay u adeegsanay hub khatar ah, taas oo ay doonay innay fuliso ka hor xabbad joojin cusub.

Hase yeeshee tirada sii kordhaysa, oo saraakiisha caafimaadka Falastiin ay sheegeen inay dileen Israel dhowr boqol oo rayid ah tan iyo markii xabbad joojin toddobaad ah ay dhammaatay Jimcihii, waxay u baddan tahay innay sii kordhiso cadaadiska caalamiga ah ee lagu soo celinayo miiska wadahadalka in laysugu keeno Israel iyo Xamaas.

Tani waxay meesha ka saaray siyaasaddii Israel iyo xullufadda Maraykanka ee ahayd in Xamaas tahay Urur argagixiso oo aannay marnaba la gelayn wada hadal, waxayse u muuqataa guuldarada Israel ay khasab ka dhigto in layska iloobi mawqifkii lagu shaanbadaynayay Xamaas in ay tahay Urur aan metelin shacabka Falastiin oo argagixiso ah, sidaa awgeed waxay tani guul dhanka Siyaasadda ah u noqonay Xamaas si ay uga midha dhaliso halganka ay ugu jiraan sidii ay shacabka Falastiin u noqon lahaayeen dawlad maamusha dalkeeda Yuhuudu xoogga ku haysato.

Laxidhiidha:  Maraakiib Dagaal Oo Maraykanku Leeyahay Oo  Lagu Weeraray Badda Cas

Sidoo kale, waxa la saadalinayaa in Israel iyo xullufadeeda Maraykanku ugu horeeyo ay xillgan si dhab ah u yaqiinsadeen sida aaannay suurtagal u ahayn in ay guulaystaan, iyadoo cabsida sii kordhay tahay in dagaalku ku fido mandaqada, isla markaana sii murgiyo xaalladda dhaqaale ee dunida iyo isu socodka ganacsiga aduunka, maadaama Xuutiyiinta Yemen ku doobinayaan marrinka ahmiyada weyn ee  Bab-el-Mandeb, ay ka geysteen weeraro shaki geliyay isu socodka gaadiidka Badda ee badeecaddaha, taas oo saamayn ku yeelatay qiimaha shidaalka aduunka oo kor u kacau iyo walaac weyn oo sii kordhinaya in dagaalka Qaza uu noqdo sida horeba loo saadaaliyay xuddunta dagaalka saxaddexaad ee dunida.

Laxidhiidha: Xuutiyiinta Yemen Oo Ruxay #Amniga Iyo Xasiloonida Dhaqaalaha Dunida Ee Ku Mergaday Dagaalka Qaza

Tallaabooyinka Xuutiyiinta ee ka dhashay caddhada duqaymaha iyo xasuuqa Israel ee shacabka Falastiin iyo weliba Xisbullah oo dhanka Lubnaan ka geysanay duqaymo ku waajahan Israel iyo Iran ku oo ah awood aan la dafiri karin, isla markaana maamusha marin biyoodka Hormuz., kaas oo shidaalka iyo ganacsga aduunka ee ugu baddan ay maraan, isla markana ka mid ah 15 Marrin Boyood ee ugu muhiimsan Caalamka oo ay  ka gudbaan maraakiibta isaga gooshaya dacalada aduunka,balse aad looga cabsi qabo, ayaa la saadaalinayaa innay Isarel iyo xullufadda Maraykanka ku khasbaan innay waajahaan xaqiiqda oo ay wax ka beddelaan qorshahooda dagaalka ay Israel kula jirto Xamaas ee guuldarada iyo fashilka kusii hoggaaminaya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com