Hoggaamiyaha Xamaas Ee Israel Ka Yaabiyay  “Qaza Bin Laden” Iyo Qaabka Loo Shaxeeyay Godadka Dhulka Hoose Ee Qaza

#Araweelo_News_Network.

 

Qaza(ANN)-Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay qaadayaan weeraro aan hore u dhicin oo ka dhan ah Xamaas, kaddib markii ay ku guuldaraysteen dagaalka socday 62-ka maalmood ee lagu burburiyay Qaza, isla markaana dhiiga baddan ku daatay ee sababay masiibada cawaaqibka xun, balse aannay wax guul ah ka gaadhin.

Dagaalka u danbeeyay ee ciidamada Israel ku galeen Koonfurta Qaza ee Magaalada Khan Yonis, ayaa si xun loogu jebiyay, iyadoo laga dilay ugu yaraan labad Saraal iyo askar aan si dhab ah loo ogayn toradooda, balse ay qirteen oo keliya tobbaneeyo.

Laxidhiidha: Gelitaanka Israel Ee Khan Yonis

Kaddib guuldarooyinka  Israel ee duqaymaha iyo go’doominta  oo ay ku sharciyaysteen  si ay u xasuuqaan shabka Falastiin, waxay qorshaysteen sidii ay Biyaha Badda ugu qaeqin lahaayeen Qaza, iyagoo ku doodaya in Millateriga Xamaas ay ku jiraan Magaalooyin hoose oo loo habeeyay qaab xelladaysan, isla markaana loo diyaaroyay addeeg kasta iyo Tighnoolajiga, qorsha dhulka hoose oo  sida uu ku dooday Sarkaal u hadlay Millateriga Israel  Gaashaanle Dhexe Peter Lerner oo ka tirsan IDF, lagu dhisay 16 sannadood.

Diyaaraddaha Israel ayaa maanta ku daadiyay Khan Yonis farriimo warqado ay ku qoreen digniin ku socota shacabka Falastiin iyo dagaalyahanka Xamaas.

Waraaqaha ayaa lagu qoray Aayadd ka mid ah Aayadaha Quraanka Kariimka, Aayada oo  ku jirta Suuratu Cabkabuut Aayada 14aad, waxay Diyaaraddaha Millateriga Israel ku daadiyeen Qaza.

Waxay u muuqataa in markii Millateri ahaan ugu fashilmeen doonayaan in ay ka dhabeeyaan qorshaha ugu Danbeeya ee ay diyaariyeen kaas oo ah Biyaha Badda lagu Qarraqo gebiahaanba Qaza.

 

Saraakiisha Israel, waxa kasoo baxaya warar is khilaafsan oo ku saabsan xaaladda Qaza, gaar ahaan Khan Yonis oo ah Magaalada Labaad ee ugu weyn Qaza oo dhanka Koonfurta ah, halkaas oo dagaal ba’an iyo duqaymo ka socdaa.

 

Wareysi uu siiyay Warbaahinta Gaashaanle Dhexe Peter Lerner oo ka tirsan IDF, wuxuu sheegay innay qarxinayaan waddooyinka laga soo galo godad dhulka hoostiisa mara, isagoo si dadban u sheegay innay innay ka fikirayaan innay ku daadiyaan biyaha badda, laakiin waxa jira walaac ay ka qabaan in dadkii looga haystay maxaabiista  laga yaabo in lqaarkood  ku jiraan.

“Ahmiyada koowaad waxaan siinaynaa muwaadiniintaya la haystayaasha ah, laakiin qorshahayaga waxa ugu sareeya in aannu saraakiisha Xamaas ku layno halkaa, annagoo ku kalsoon innay ku jiraan godadka, weliba hadafkayaga koowaad waa si loo hubiyo in hoggaamiyaha Xamaas Yahya Sinwar aannu ka baxsan doonin dagaalka Qaza oo lagu naaneyso “maxkamadihii xasuuqa” 7-dii October, “ayuu yidhi.

“Yahya Sinwar waa maskaxdii ka dambaysay xasuuqii toddobadii October. waa qofka maalgeliyay, abaabulay, qorsheeyay, oo siiyey iftiinka cagaaran si uu u dilo oo u qalo, xasuuqo, u afduubo, kufsi iyo qoorta ka gooyo Israa’iiliyiinta. Waxa uu ku jiraa liiskayaga ugu sarreeya, waxaan doonaynaa inaan isaga soo qabanno oo aan dilno isaga.”ayuu yidhi, sarkaalka u hadlay IDF, ee lagu magcaabo Gaashaanle Dhexe Peter Lerner.

 

 

Israel, ayaa hore u sheegtay intii uu socday dagaalka Qaza innay duqayn ku dishay Yahya Sinwar, waxayna mar kale maanta sheegeen in gurigiisa ay ciidamada IDF, hareereeyeen, balse saraakiisha Millateriga ayaa beeniyay wararka sheegaya in Israel ay dishay Yahya, balse la rumaysan yahay inuu ku jiro Qaza.

.

 

Saraalka Israel ku taamay ee Yahya Sinwar, oo 61 jir ah, laguna naanayso “Gaza’s Bin Laden”, ayaa la rumaysan yahay in gurigiisa oo ku yaal  waddada lambar shan ee waqooyi-galbeed ee Khan Younis, aannay marnaba macquul ahayn inuu joogo, balse warka sheegaya in Askarta Israel u direen ciidan ayaa loo fasirtay in lagu maaweelinayo shacabka Israel ee ku jira qoomamada dagaalka iyo khasaaraha culus ee guuldaradu weheliso.

sida ay wararku sheegayaan, IDF, Hoggaamiyayaasha millateriga Israel, ayaa wacad ku maray in weerarkooda soo cusboonaaday aannu dhammaan doonin ilaa uu ka dhinto ninka ay ku dhololayan ee Yahya, isagoo muddo 22 sano ku qaatay xabsiyada Israel.

 

Sarkaalka lagu magcaabo  Lerner ayaa sidoo kale magaalada  Khan Younis ku tilmaamay goob ay ku badan yihiin, wuxuu ugu yeedhay “argagixisada sare ee Xamaas, wuxuuna sheegay in IDF ay dhammaan ka saari doonto mar kasta oo ay awooddaan si ay u xoojiyaan howlgallada ka socda magaalada.

 

“Khan Yoonis waa goob aad u kulul, waa xarun cuf-isjiid, waana sababta aannu u kordhinayno hawl-galladayada, isla markaana aannu ku balaadhinayno hawlaha aanu ku wareejinayno xarumahaas si aanu uga saarno Xamaas meel kasta oo ay ka hawl-galaan, ayuu yidhi.

Laxidhiidha: Israel  Guuldarada Dagaalku Muxuu Ka Beddelay Mawqifkeedii Xamaas

Dhinaca kale, Kumaan shacabka Falastiin ah ayaa dib ugu laabanaya dhanka Waqooyiga Qaza, iyagoo ka cararaya duqaymaha iyo dagaalka ka socda Khan Yonis oo dhanka Koonfurta ah, halkaas oo ay hore ugu soo carareen intii dagaalku ka socday Waqooyiga Qaza, balse saraakiisha hay’addaha gargaarka iyo kuwa Xuquuqda Aadamaha ayaa ka dayrinaya dhibaatada, maadaama aannay jirin meel ay ku noqdaan iyo meel ay kaga badbaadi karaan duqaymaha iyo duulaanka Israel.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com