#Araweelo_News_Network.

Washington(ANN)Markab dagaal oo Maraykan ah iyo maraakiib baddan oo ganacsi ayaa lagu weeraray Badda Cas, sidaana waxa sheegay Pentagon-ka.

Maraakiibta ayuu sheegtay Aqalka Pentagon in xilliga la weerrary ay marayeen  Badda Cas, iyadoo ay arrintan sii kordhisay cabsida soo waahjahday gaadiidka isaga goosha Badda Cas iyo meelaha kale.

Sidoo kale, Pentagon oo aan faahfaahin dheeraad bixin ayaa sheegay in Markab kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin iyo Maraakiib ganacsi lagu weeraray halkaa.

Dhankooda, Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay innay weerareen laba dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay beegsadeen laba markab oo Israa’iili ah oo wata diyaarad aan duuliye lahayn iyo gantaal badda ah, sida uu sheegay afhayeen u hadlay  kooxda Millateriga.

Laxidhiidha: Xuutiyiinta Yemen Oo Ruxay #Amniga Iyo Xasiloonida Dhaqaalaha Dunida Ee Ku Mergaday Dagaalka Qaza

Afhayeenku waxa uu sheegay in labada markab ee Unity Explorer iyo Markabka loogu yeedho Number 9, kuwaas oo ay sheegeen in la beegsaday kdddib markii ay diideen digniino ka soo baxay ciidamada badda ee kooxda, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa werisay Axaddii maanta.

Ma jiro wax war ah oo tilmaamaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, waxaana wali soo baxaya faahfaahinta la xidhiidha arrintan.

Dhowaan ayay ahayd mrkii Ciidamada Badda ee Yemen ee Xuutiyiintu ay afduubeen Markab laga leeyahay Israel xilli uu marayay Badda Cas.

Arrintani ayaa muujisay innay sii kordhayaan shilalka Badda tan iyo markii Israa’iil ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Falastiiniyiinta ee Qaza. kaddib weerarkii Xamaas ku qaaday Israel.

20 November 2023,  Xuutiyiinta Yemen ayaa qabsaday Markab xamuul oo marayay koonfurta Badda cas, xilli uu ka shiraacday Turkiga kuna sii jeeday Hindiya, isagoo ka gudbaya marrin biyoodka muhiimka ah ee Bab-el-Mandeb  ee Koonfurta Yemen, Markabkaa oo lagu magcaabo(Galaxy Leader Ship SKY, ayaa laga leeyahay dalka Israel.

Xuutiyiinta ayaa awood ku maamula Bab-el-Mandeb, kaas oo ah mid ka mid ah 15 Marrin Boyood ee ugu muhiimsan Caalamka oo ay  ka gudbaan maraakiibta isaga gooshaya dacalada aduunka, isla markaana ahmiyada weyn u leh isku xidhka dunida, sidoo kale waa mid ka mid ah kuwa ugu xaasaasisan ee ahmiyada weyn u leh dhaqaalaha iyo isku xidhka ganacsiga aduunka  iyo amniga dunida oo dhan.

Xuutiyiintu waxay isku dayayaan innay Israa’iil la beegsadaan weerarrada diyaaraddaha aan  duuliyaha lahayn iyo gantaalaha gaadhaya in ka baddan 12,00 km, iyagoo qaaday weerarro si xidhiidh ah ay ula beegsadeen tan iyo markii uu bilaabmay duulaanka Israel ee Qaza oo dhaliyay xasuuq bahanimo ah iyo dhacdooyin ka baxsan bini aadanimada oo ay samaysay Israel, iyadoo taageero ka helay Maraykanka iyo xullufaddiisa.

Sidoo kale, Israel ayaa dhegaha ka furaysatay dhawaaqyada Qaramada Midoobay, baaqyada gollaha amaanka iyo guud ahaan dhawaaqyada sida xidhiidka ah uga imanaya mujtamaca Caalamka ee lagu dalbanayo innay joojiso xasuuqa iyo go’doominta dagaalka ay kula jirto Xamaas iyo shacabka Falastiin tan iyo weerarkii Xamaas ku qaaday guddaha Israel ee loo bixiyay duufaankii Al-Aqsa, wllow ay xabad-joojin kusoo ururtay muddo toddoba maalmood ah lagula kala wareegay maxabiis.

Xuutiyiinta ayaa ayaa gacanta ku haya inta baddan dalka Yemen, wixii ka danbeeyay dagaalkii Yemen iiyo Xullufadda Sacuuduga ee Maraykanku taagerayay March 2015, markii ay burburtay dawladdii dhexe ee dalka Yemen, iyagoo guuldaro u xanbaariyay duulaanka, taas oo ku khasabtay Sacuudiga inuu heshiis la galo Xuutiyiinta Yemen.

Wixii ka danbeeyay xilligaa amaanka marrinka  Bab-el-Mandeb,  wuxuu ahaa mid gacanta ugu jira Xuutiyiina xullufada la ah, iyadoo Iran dhankeeda iyaduna ugu awood sheegatay Israel, Maraykanka iyo xuluffadooda marrinka kale ee ahmiyada weyn leh oo lagu magcaabo Hormuz., kaas oo shidaalka iyo ganacsga aduunka ee ugu baddan ay maraan.

labada Marrin biyood ayaa ah kuwo ahmiyad weyn u leh aduunka, waxayna taas oo walaac weyn ku abuuray Beesha caalamku  oo aad uga werwersan in labada Marrin ee Hormuz iyo Bab-el-Mandeb, ay khal-khal geliyaan amniga dhaqaalaha iyo xasiiloonida aduunka, isla markaana sii kordhiyaan xiisadda dagaalka Israel iyo Xamaas oo socda 59 maalmood, kaas oo aannay weli Israel iyo xullufadda Maraykanku hoggaaminayaa wax guul ah ka gaadhin.

Waqtigan xaadirka ah, celcelis ahaan 17,000 Markab ayaa soo mara Marrinka Bab-el-Mandeb, iyada oo 42,000 ay sii maraan marrin biyoodka Hormuz ee Iran ku hor kaadido.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com