Odayaasha Iyo Madaxdhaqameedka Jufada Marxuumka La Dilay Oo Ka Hadlay Rabshaddaha

#Araweelo_News_Network.

 

 

Boorama (ANN)-Mudahaaraadyo Rabshado isu beddelay, ayaa maanta ka dhacay xarunta gobolka Awdal ee Magaalada Boorama, kuwaas oo khasaare loogu geystay xarumo ganacsi oo shirkaddo waaweyn ay leeyihiin.

Dadkaa oo u badnaa dhalinyaro ayaa food-saaro kasoo dhigtay dilka sarkaal ciidanka Badda ka tirsanaa oo lagu dilay maalmihii lasoo dhaafay Lughaya, balse eeddaysanaha oo isna ka tirsanaa ciidanka Badda ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana loo soo gudbiyay dhinaca xabsiga Magaalada Boorama.

Maalintii Isniintii ayaa la horgeeyay Maxkamad, kaddib markii dilku dhacay Arbacadii lasoo dhaafay, waxaana ku dhacay xukun, iyadoo Ehelada qoyska eeddaysanaha iyo madax-dhaqameedka deegaanka uu kasoo jeeda tacsi u direen qoyska marxuumka, isla markaana u sheegeen in ay diyaar u yihiin in shareecadda Islaamka loo mariyo oo loo qisaaso, sidoo kalena ay diyaar u yihiin go’aanka ay qaataan si looga hortago in arrintaasi noqoto fitam.

Dhankooda Odayaasha Deegaanka Boorama ee marxuumku kasoo jeeday, ayaa soo dhoweeyay arrintaa, waxayna ka digeen mudaharaadyo arrintaa looga dhigto food-saaro oo lagu khalkhalinayo amaanka iyo xasiloonida, kuwaas oo ay Odayaasha qaarkood sheegeen inay ka danbeeyaan dad ay ugu yeedheen fidmo abuur.

Hase yeeshee deganaanshaha iyo xasiloonida Magaalada ayaa maanta mar keliya isu beddeshay fawdo, taas oo sababtay in boob iyo bililiqo lagu caseeyo mehaddaha ganacsiga qaarkood, isla markaana la hujuumo xarunama dawladda iyo shirkaddaha ganacsiga.

Booliska ayaa dxaaladda amniga kusoo celiyay mid degan, iyagoo xakameeyay in ay sii socdaan rabshaddaha fowdada iyo boobka oo la doonayay in lagu burburiyo hantida muwaadiniinta ee ganacsiga iyo xarumaha Hay’addaha dawladda.

Sidoo kale, rabshaddaha, ayaa sababay in tiro dad ah ay ku dhaawamaan, iyadoo Ciidamadda amaanku awood u adeegsadeen, waxayna xaaladdu kusoo laabatay deganaansho saacaddo kaddib.

Dhinaca kale, Odayaasha madaxdhaqameedka iyo wax garadka gobolka Awdal, ayaa canbaareeyay falka fawdada ahaa ee sababay khasaaraha, waxayna ka digeen in falal sidan oo kale ah soo laabtaan, kuwaas oo manja xaabin kara amniga iyo xasiloonida gobolka.

Sidoo kale, Madaxdhaqameedka iyo Odayaasha jifada uu kasoo jeedo marxuumku ayaa canbaareeyay rabshaddaha, waxayna usoo jeediyeen dadka samaynaya in aannay waxba iyaga u tarayn ee ay wax ka xumaynayaan, isla markaana aannay raal ka ahayn in arrinta fawdo loo beddelo, maadaama ay hawsha dilka marxuumku marayso meel wanaagsan oo sharciga la marinayo.

Odayaasha ayaa sheegay inay qoyska uu kasoo jeedo ninka dilka loo haystaa si wanaagsan ula macaamileen, isla markaana soo gaadhsiiyeen tacsi, waxayna si gaar ah u xuseen Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurdaw oo isagu la xidhiidhay markii ay dhacday arrintu, iyadoo xaaladdu kacsantahay.

Hase yeeshee Odayaasha, ayaa usoo jeediyay xukuumadda in la dhammaystiro nidaamka sharciga oo ay doonayaan in loo dilo ninka loo haysto dilka, maadaama ay ehelada iyo qoyskiisu raali kaga yihiin in loo qisaaso.

Arrimahan ayaa kusoo beegmay, iyadoo Magaalada Laascaanood collaad ba’an oo aan xal loo helin ka taagnayd dhawrkii bilood ee danbeeyay, sidoo kale, waxay arrintan kusoo beegantay, iyadoo ay jireen abaabulo laga hagayo dalka dibaddiisa iyo guddaha oo dadka gobolka Awdal lagaga dalbanayay inay ka hoos baxaan maamulka Somaliland oo ay maraan dariiqa collaada iyo fawdada ee Laascaanood, balse waxgaradka iyo dadka saaxiibul caqliga ah ee deegaanka ayaa ku baraarugsan shirqoolada la doonayo in lagu soo waarido, sida ay sheegeen waxgaradka Boorama.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com