“Argagixisada waynu is-huran-nahay, Shacabka Reer Laascaanoodna…” Madaxweynaha Somaliland

#Araweelo_News_Network.

 Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilamd, Muuse Biixi ayaa ka hadlay sababta keentay dagaalka Laascaamood, wuxuuna tafaasil ka bixiyay halka ay salka ku hayso arrinta dagaalka Laascaanood.

Madaxweyne Biixi, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay mar uu maanta khudbad sannadeeda dastuuriga ah ka jeediyay fadhiga labada golle ee wakiiladda iyo Guurtida, wallow aannay muddanayashu kasoo wada xaadirin fadhigaa oo ay dhinaca gollaha wakiillada in ka baddan kala badh ay ka maqanaayeen.

Wuxuuna, isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Wixii ka horreeyey 1884-kii Dawladaha Xuduudaha leh ee Afrika badankooda kamay jirin xuduudo dawladeed oo qeexan (National Borders).

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in Dagaalkii koowaad iyo kii labaad ee adduunka ka dhacayna wax baddan  ka baddeleen xuduudihii jiray, gaar ahaan Yurub, Bariga Dhexe iyo Bariga Fog. Hase yeeshee Afrika xuduudihii uu isticmaarku dhigay ayey ku fadhiyaan oo Jimciyadda Quruumaha ka-dhaxaysa iyo Midawga Afrika Aqoonsan-yihiin.

“Somaliland waa Dalkii Isticmaarku ugu yeedhi jiray Maxmiyaddii Somaliland (Somaliland Protectorate) ee xuduudaheedu ku dhisan yihiin sharciyada caalamiga ah. Dal kasta khilaaf waa ka dhex-dhici karaa, dagaalka Laascaanoodna waxa uu ku eeg-yahay xayndaabka caalamiga ah ee xuduudaha Jamhuuriydda Somaliland.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

“Ciidammada ku soo duulay Laascaanood, waxa kow ka ah; Ciidammada Puntland. Madaxweynaha Puntland Fagaare ayuu ka sheegay isaga oo dhaadanaya in ciidankiisii ka dagaalamayo Laascaanood.

Madaxweyne, wuxuu sheegay in arrintu  salka ku hayso qorshe maamulka Puntland ilaa bilowgii dhismihiisa uu ku talo jiray in uu sameeyo xuduud beeleed.Waxa kale oo ku soo kordhay qorshaha Puntland Argagixisada Xag-jirka ah oo muddo-dheer qorshaynayey in ay gabbaad ka helaan Deegaanka Laascaanood.

“Argagixisadu waxay muddo 10-sanno ah ku laynayeen madaxda laamaha dawladda iyo muwaadiniinta Somaliland ee Deegaanka Laascaanood ee ka shaqaynayey nabadda iyo horumarka Gobolka Sool. Hor-joogayaasha Argagixisada ee qorshahaa ku hawlani waxay ku milmeen Shacabka Deegaanka Laascaanood.” Ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Argagixisadu qorsheeyeen sidii ay isaga-horkeeni lahaayeen Dadka Reer Laascaanood iyo Dawladda Somaliland, iyaga oo fal kasta oo ay fuliyaan u sawiray in Dawladda Somaliland ka dembaysay. Qorshahaas Argixisada ayaa saamayn taban ku yeeshay caadifadda Dhallinyada Laascaanood.”

Waxa kale oo uu xsay in ay jiraan dad qurba-joog ah oo hab-qabiil ku taageersanaa Maamul Gobolleedka Puntland oo doonayey in xuduuddaha lagu saleeyo hab-beeleed.

Sidaa awgeed,  “waxa is-weydiin leh isticmaarku barigaa wuxuu Soomaalida u qaybiyey 5-meelood, maanta qayb-waliba halkii isticmaarku dhigay ayey fadhidaa. “

Madaxweyne Biixi, wuuxu sheegay in lays weydiinayo sababta maamulka Puntland uu ku doonayo in uu qayb ka mid ah Shacabka Somaliland ugu sameeyo xuduud beeleed. Jawaabta su’aashaasi Puntland ayey u taallaa, ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in ay yaab tahay in maamulka Puntland is-dhacsiiyey haddii aanu Xamar ka noqon Madaxweyne ama Raysal-wasaare in aannay jiri doonin Dawlad la yidhaahdo Soomaaliya. Sidaa darteedna uu doonayo inuu hanto Madaxtooyadda Fiilla Soomaaliya.

“|Maanta xaaladda Puntland ka jirta iyo xabadda ay dhan walba u ridaysaa waa cadhadii ay ka qaadeen Magacaabistii Raysal-wasaaraha aan ka soo-jeedin Puntland.Waxaan u sheegaya Maamulka Puntland in ay u-roon tahay in ay Ciidammadooda kala baxaan Deegaanka Laascaanood.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Mar uu ka hadlayay arrimaha ciidanka wuxuu sheegay in Ciidanka Dawladda Somaliland difaac mooyaane aannay marnaba weerar ku qaadin Magaalada Laascaanood, ilaa maantana nabad ku baaqaysaam dhankooda Somaliland. “Dagaalka ciddii bilowday waxay fulinaysay siyaasaddii Argagixisada ee ahayd in ay abuuraan meel aan nabad ahayn oo ay ku dhex dhuuntaan.’

Madaxweyne Biixi, wuxuu yidhi,  “Waxaan leeyahay Argagixisada waynu is-huran-nahay. Shacabka Reer Laascaanood waxaan ugu baaqayaa in ay nabadda ka qayb-qaataan si magaaladii loogu soo noqdo oo noloshii jirtay dagaalka hor dib loogu soo celiyo; sida amnigii, maamulkii, adeeggii caafimaadka iyo waxbarashadii. “ ayuu raaciyay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.