“Haddii faro-gelin shisheeye soo dhex-gasho Xisbiga, waxay khatar ku tahay Qarannimada Dalkeena” Madaxweyne Biixi

#Araweelo_News_Network.

 

 

Hargeysa(ANN)-Somaliland waxa lagu majeertaa Dimuqraadiyad iyo Doorashooyin xor iyo xalaal ah, taasina waxa ay innooga baahan tahay dhammaystirka tiirar aasaasi u ah, oo ay ugu horreeyaan  In doorashooyinku ku qabsoomaan xilliga uu Sharcigu u muddeeyo, in kasta oo ay mararka qaarkood dib ugu dhacaan duruufo adag oo ay ka mid-yihiin (Dhaqaale, Abaaro , Arrimo Bulsho). Sidaa waxa yidhi, Madaxweyne Biixi oo khudbad sanandeedkisia Dastuuriga oo uu kaga hadlay arimo baddam oo la xidhiidha dhaqaalaha, siyaasadda, waxbarashadda, Caafimaadka iyo waxyaabo uu sheegay in xukuumaddiisu qabatay.

 

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in Xisbiyada Qaranka, kuwaas oo uu sheegayin ay yihiin hilinka ay Muwaadiniintu u maraan xaqiijinta hankooda siyaasadeed ay noqdaan kuwo ku dhisan sharci, oo aan marna muddo dhaaf noqon, dhexdoodana ay ka muuqato dimuqraadiyad dhab ah oo ku dhisan mabaa’dii iyo siyaasad cad oo qeexaysa qorshaha ay dalka ku horumarin karaan.ü

 

Mar uu ka hadlayay dhaqaalaha Xisbigu halka uu ka yimaadooo ah  taageerayaasha Xisbiga ee gobol kasta,  sidaa awgeed waxa loo baahan yahay inay ka fogaadaan faro-gelin shisheeye. Haddii faro-gelin shisheeye soo dhex-gasho Xisbiga, waxay khatar ku tahay Qarannimada Dalkeena.

 

“Muddadii ay xakuumaddu xilkan haysay waxaynu guulo ka gaadhaynay dhanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka. Waxa inoo qabsoomay labadii doorasho ee isku-sidkanaa ee Gollaha Wakiillada iyo Gollayaasha Deegaanka oo midhaheedii uu yahay Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee maanta halkan fadhiya iyo Mudanayaasha Golayaasha Deegaanka ee Dalka.” Ayuu yidhi.

 

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Muddaas la hirgelinay laba diiwaangelin cod-bixiyayaal ah, tii hore waxa lagu galay Doorashooyinkii Gollaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka iyo tii inoo qabsoontay 28 December 2022 ilaa 26 January, 2023 oo ay si weyn uga faa’iidaysteen da’yarteenii gaadhay da’dii ay sharciyan isugu diiwaan gelin lahaayeen iyo dadweynihii kala ee aan fursad u helin inay is-diiwaan-geliyaan.  Labadii Doorasho ee isku-sidkanaa iyo labadii Diiwaan-gelinood waxa ku baxay lacag dhan $25,995,619.

 

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in xukuumaddu bixin doonaa lacagta ka dhiman hawlaha kaadh-qaybta Diiwaan-gelintii dembe oo dhan, taas oo dhan $2,506,744. Iyadoo la tixgalinayo xaqa distuuriga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland ay u leeyihiin in la dooran karo, waxna dooran karaan ayaa 15 Januray 2022 ay maxkamadda dastuuriga ahi go’aamisay Furitaanka Ururrada Siyaasiga ah.

 

“ Anigoo fulinaya Go’aankii Maxkamadda Dastuuriga ah ayaan magacaabay Xubnihii Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka. Golaha Wakiilladuna isagoo gudanaya wajibaadkiisa dastuuriga ayuu isna aqlabiyad ku ansixiyey Guddidaa.

 

Waxa is-diiwaangeliyey 15 Urur-siyaasadeed oo kala hufid iyo kala shaandhayn ka bacdi ay soo baxeen 10 Urur-siyaasadeed oo iyaga iyo saddexdii hore ee Xisbi Qaran ay geli doonaan tartanka loogu tartamayo saddexda Xisbi qaran ee dalku yeelan doono tobanka sanno ee soo socda.

Waxa kale oo aan magacaabay 7-dii xubnood ee Komishashanka Doorashooyinka Qaranka, Golaha Wakiilladuna uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

 

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in dalka kusoo fool leeyihiin laba doorasho oo masiiri ah, kuwaas oo sida uu sheegay kala ah Doorashada ay saddex Xisbi Qaran kusoo baxayaan iyo Doorashada Madaxtooyadda.

 

Hase yeeshee, Hawlaha hoggaaminta Doorashooyinka ayuu sheegay inay ska leeyihiin Komishanka Doorashooyinka Qaranka.  “Si aynu u xaqiijinno hir-gelinta Doorashooyinka waxa la inooga baahan-yahay dhammaanteenba in aynu iska kaashanno, gacmahana is-qabsanno sidii ay inoogu qabsoomi lahaayeen Doorashooyinku.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.