Wadahadallada sii deynta la haystayaasha ayaa sii xoogaystay

 

#Araweelo_News_Network.

Tehran(ANN)- Dagaalka Israel iyo Xamaas ayaa galay maalintii 43aad, iyadoo xaalladdu sii adkaanay, isla markaana waxa jira jira warar kale oo sheegaya inuu jiro kulan dhexmaray Iran iyo Xamaas.

Kulanka Iran iyo Xamaas, ayaa lagu tilmaamay inuu dhexmaray, hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran iyo hoggaamiyayaasha Xamaas ee dagaalka kula jira Israel,

Kulanka ayaa lagu soo waramayaa inuu dhaliyay inuu fariin adag u gudbiyay Hoggaamiyaha sare ee Iran madaxa Xamaas intii lagu jiray kulankoodii Tehran.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, farriintan ayaa ku qotonta ficillada hal dhinac ee Xamaas iyo mowqifka Iran ee khilaafka.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sheegtay in Xamaas aannay ka bixin wax digniin ah oo ku saabsan weerar 7-dii Oct. ay Israa’iil ku qaadayso, dagaalkana kuma geli doono adiga oo magacaaga ah, balse Xamaas ayaa beenisay warbixinta Reuters.

In kasta oo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas uu galay maalintiisii afartan iyo saddexaad, balse israel dhankeeda waxa ay dhinac  waddaa in ay la soo baxdo warar cusub oo ku saabsan wada xaajoodka la haystayaasha, taas oo ay doonayso innay kusii kordhiso dadaallada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, iyo tallaabooyinka Millateri ee joogtada ah.

 

 

Wada xaajoodyada lagu sii dayn lahaa la haystayaasha: Washington Post ayaa sheegtay in Xamaas ay mabda’a ahaan ku heshiiyaan heshiis ku lug leh sii deynta la haystayaasha.

Washington post, ayaa sheegtay in Dublamaasi Carabeed oo wax ka ogaa wada xaajoodyada socda uu shaaca ka qaaday in Xamaas ay ogolaatay mabda’a ahaan sii deynta ugu yaraan 50 haween iyo carruur ah oo ka mid ah ku dhawaad 240 la haystayaal shisheeye iyo Israa’iil ah.

Israa’iil ayaa hadda tixgelinaysa soo jeedintan, iyadoo go’aanka uu weli taagan yahay aannay jirin mawqif cad iyo wax heshiis ah oo la gaadhay,Balse xilligan Israel waxay waahaysaa guuldaro Millateri oo ka dhalatay Duulaanka Qaza iyo sidoo kale dhibaato dublamaasiyadeed oo kaga timi mujtamaca caalamka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com