#Araweelo_News_Network.

 

 

 

Niamey (ANN)-Wakiilo ka socda ururka ECOWAS ayaa dalka Niger u tegey si ay wadahadal ula furaan ciidamada Millateriga, iyadoo Faransiiska iyo dalalka kale ee reer galbeedku doonayaan in xukunka lagu soo celiyo Madaxweynihii xilka laga tuuray.

 

Wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka ECOWAS, ayaa sheegay in inkasta oo faragelinta Millateri ay tahay “maciddii ugu dambaysay”, haddana ay miiska saaran tahay, laakiin ay doonayaan in marka hore lagu qanciyo Millateriga inay xukunka kusoo celiyaan xukuumaddii rayidka ahayd.

ALt: "Araweelo News|

Dad ka qaxaya Niger oo laga daadguraynayo, Image Araweelo News Network, 3 August 2023.

 

Dalalka Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa boqolaal muwaadiniin ah ka daad gureynaya dalka Niger, sidoo kale Afartan Jarmal ah ayaa lagu qaaday duulimaadyada Faransiiska .kaddib afgambigii xukunka lagaga tuuray Madaxweynihii dalkaa Mohamed Bazoum, iyadoo Arbacadii lasoo dhaafay ay afgenbiyeen koox Millateri ah oo uu hoggaaminayay Colonel-Major Amadou Abdramane, iyadoo Ilaalada Madaxtooyada Niger ay xidheen Bazoum.

 

Inqilaabka xukunka ay kula wareegayaan Millaterigu ayaa kusoo laabanaya Afrika sannadihii u danbeeyay, taas oo muujinay in aannay ka shaqaynayn dimuqraadiyadu, waxayna Colonel-Major Amadou Abdramane iyo Hoggaamiyayaal kale oo Afrika ah go’aansadeen innay xukunka ka tuuraan Madaxweynayaal xukunka ku yimi doorasho, taas oo ay qayb ka tahay loollanka Ruushka iyo dalalka reer galbeedka ee siyaasadda aduunka.

 

Dalka Niger, ayaa ka mid ah dalalkii Faransiisku sida weyn ugu milmay, waxayna xilligan ka mid noqdeen dalalka Afrika ee iska fogaynaya siyaasadda reer galbeedka, waxayna u guureen siyaasadda Ruushka ee waajahan Afrika, taas oo xidida u saaray in dalalka Afrika ay ahaadaan kuwo ay reer galbeedku gacan ku leeyihiin, waxaase jira walaac laga qabo faragelinta Millateri oo sababi karta dhibaatooyin iyo collaado ka alloosma dalka, iyadoo Millateriga Niger ka digeen in faragelin lagu sameeyo.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com