#Araweelo_News_Network.

Moscow (ANN)-Moscow ayaa afka ka xidhatay saamaynta dagaalku ku yeelanayo ciidamadeeda, iyadoo dagaalka Ukraine noqday mid xaqiiqdiisa ay ka baddantahay borobagaandada, taas oo ay ku dhega barjoobeen mujtamaca aduunku.

Laakiin xaqiiqda ayaa ah in dagaalka Ukraine oo ah mid ay ku dagaalamayaan quwadaha waaweyn ee xullufadda Maraykanku hoggaamiyo ee NATO iyo Ruushku weli u muuqdo mid dhaqaale ahaan, millateri ahaan iyo hub ahaanba Ruushku ku gacan sareeyo.

Ma jiraan xaqiiqooyin rasmi ah oo sheegaya inta ay leegtahay tirada askarta Ruushka kaga dhimatay dagaalka socday sannadkii labaad, kaddib markii Ruushku ciidamadiisa gudaha u geliyay dalka Ukraine February 2022.

 

Moscow waxay sheegtay in ay qorshaynayso in ay kordhiso ciidankeeda sannadka 2023 laga bilaabo 1 milyan ilaa 1.5 milyan. Marka loo eego xogta madax banaan, waxaa lagu qiyaasaa 1.3 milyan. Tiradaas waxaa ku jira shaqaale firfircoon, kuwa kaydka ah iyo ciidamada qalabka sida, sidoo kale Ruushku wuxuu kordhiyay casriyaynta hubkiisa iyo qalabka Millateri.

 

Bishii September ee sannadkii hore, madaxweyne Putin ayaa ku dhawaaqay abaabulka 300,000 oo askari. Ruushku waxa uu sheegay in aannu u baahnayn abaabul dadwayne, balse todobaadkii hore ay kordheen da’da ugu baddan ee askaraynta laga bilaabo 27 ilaa 30 sano jir.

 

Moscow ayaan wax xog ah ka soo saarin tirada ciidamada ay u dirtay dalka Ukraine. Horraantii 2022, sirdoonka milatariga Ukraine ayaa sheegay in ay gaadhayeen ilaa 280,000. Wasiirka difaaca UK ayaa sannadkan sheegay in boqolkiiba 97 ciidamada Ruushka ay ku sugan yihiin dalka Ukraine, laakiin ma soo bandhigin waxyaabo caddaynaya innay tiradaasi tahay mid la qaadan karo.

 

Dhinaca kale, Moscow ayaa si cad u qiratay dhimashada 6,000 oo askari oo kaliya. Warbaahinta Ruushka oo la shaqaysa Saynisyahan xogeed ka tirsan jaamacadda Tübingen ee Jarmalka ayaa tirada ku sheegay innay u dhowaan karto  50,000. Sidoo kale,ma jirto wax xog ah oo ku saabsan tirada dadka ka goostay ciidamada Ruushka balse,  kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in ay jiraan in ka badan kun kiis oo maxkamadeed oo ka dhan ah dadka lagu eeddeeyay inay ahaayeen askar Ruushka ka goosatay. Kooxaha xuquuqul insaanka qaarkood waxay sheeganayaan in tiradu intaas ka badan karto, laakiin warbixinaha kooxahaa ayaa loo arkaa kuwo dhinaca reer galbeedka u janjeedha, sidaa darteed ma mudna kalsooni baddan innay helaan.

 

Tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaaday dowladda ayaa muujinaya in Ruushku uu u baahan yahay xitaa ciidamo dheeraad ah. Marka lagu daro kor u qaadida da’da shaqo qorista ee da’da 30, Moscow waxay sidoo kale ku adkaysay in ay dalka si fudud uga baxaan dadka la qoray ama diiday inay dagaalamaan, iyadoo sababta rasmiga ah ay tahay in dalku u baahan yahay difaacyo wanaagsan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com