Dadka Taageersan Millateriga Oo Qaarkood Calanka Ruushka Soo Qaateen

> Ruushku Muxuu Ka Yidhi Inqilaabka Niger

#Araweelo_News_Network.

Niamey (ANN)-Boqolaal qof oo taageersan xil ka qaadistii todobaadkii hore ay ilaalada madaxtooyadu xukunka kaga qaadeen madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay ee Niger Mohamed Bazoum, ayaa isugu soo baxay isu soo bax ballaadhan oo ka dhacay caasimadda Niamey, iyadoo dadka qaar ka mid ah ay siteen calanka Ruushka.

 

Dibad-baxayaasha, ayaa isugu soo baxay fagaaraha madax-bannaanida ee badhtamaha magaalada Khamiistii, kaddib baaq kasoo yeedhay isbahaysiga ururada bulshada rayidka ah oo ku beegan maalin lagu xusayay sannad-guuradii 63-aad ee ka soo wareegtay markii uu dalkaas xornimada ka qaatay Gumaysigii Faransiiska.

ALt: "Araweelo News"

Dadka reer Niger oo hujuumay saldhiga Millateri ee Maraykanka iyo Safaarada, Image Araweelo News Network. 4 August 2023.

Mid ka mid ah dadka oo magaciisa ku sheegay Issiika Hamadou, ayaa warbaahinta u sheegay in ay tahay “amniga oo kaliya ayaan danaynaynaa” iyadoo aan loo eegin haddii ay ka timi arrintu Ruushka, Shiinaha, ama Turkiga, waa haddii ay doonayaan inay na caawiyaan” ayuu raaciyay hadalkiisa.

“Kaliya ma rabno Faransiiska, kuwaas oo na dhacayay tan iyo 1960, waxay joogeen ilaa hadda, waxbana isma beddelin,” ayuu yidhi.

 

Mid kale oo ka mid ah dibad-baxayaasha Niamey ayaa sitay boodh ay ku qoran yihiin: “Niger, Russia, Mali iyo Burkina Faso ha noolaadeen, waxaana boodhka hoosta ka qornayd. “Faransiiska, ECOWAS, EU.”, iyadoo dalalka galbeedka Afrika ku cadaadinayaan in xukunka lagu soo celiyo Madaxweynihii la afgenbiyay.

Laxidhiidha: Dalalka Galbeedka Afrika Oo Lagu Riixayo In Faragelin Millateri Lagu Sameeyo Niger

Dadka ayaa qaarkood weerareen Saldhiga Millateri ee Maraykanku ku leeyahay halkaa, iyadoo Maraykanku dalka Niger ka samaeeyay 2019, saldhig Millateri, kaas oo ka mid ah 29 saldhig oo Maraykanku ku leeyahay Afrika.

 

Faransiiska  waxa Niger ka jooga ilaa 1,500 oo askari oo lagu magcaabo kuwo la dagaalamaya kooxaha hubaysan ee gobolka Saaxil.

 

Ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Niger ayaa lagu xaddiday saldhigyada ciidamada Maraykanka iyo safaarada Maraykanka ee Niger, iyadoo maamulka Biden uu ka shaqaynayo sidii uu dib ugu soo celin lahaa madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo doortay ee Mohamed Bazoum.

Afgambigan ayaa dhaliyay cunaqabatayn ay ku soo rogeen ururka ECOWAS iyo ururka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo wadamada reer galbeedka, Laakiin dalalka Mali, Burkina Faso, iyo Guinea, oo ah saddex dal oo ay ciidamadu ka taliyaan, isla markaana hore loo inqilaabay xukunka, ayaa ka soo horjeeda faragelin Millateri oo ay ECOWAS ku samayso Niger.

Niger ayaa ka mid ah 67 dal oo aduunka ah oo macdanta Yuraaniyamka qani ku ah, iyadoo sidoo kale dalku leeyahay khayraad kale iyo macdan ay reer galbeedka oo keliya ka faa’idaystaan, balse aannay muwaadiniintu waxba ka faa’idaysan, taas oo sii xoojinay loollanka reer galbeedka iyo Bariga.

 

Sarkaal ka tirsan militariga Maraykanka ayaa sheegay in ku dhawaad 1,000-ka askari “dib loogu soo celiyay” saldhigii ay ku lahaayeen todobaadkii hore, wax yar ka dib markii Bazoum ay qabsadeen xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyada Arbacadii. Sarkaal kale oo Maraykan ah ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay ku xaddidan yihiin saldhigyada iyo safaaradda, balse wuxuu sheegay in dhammaan ciidamada ay ku sugnaayeen saldhigyadooda markii uu dhacay afgambiga.

Laakin hoggaamiyihii afgambiga General Abdourahamane Tchiani ayaa weli dhaga adeygay Arbacadii, isagoo leh “wuxuu diidaya inuu isu dhiibo hanjabaad kasta, meel kasta oo ay kaga timaado”

ALt: Araweelo News

Niger saldhiga Millateri ee Maraykanka iyo Safaarada, Image Araweelo News Network. 4 Auguts 2023.

Horaantii Khamiista, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Bazoum iyo qoyskiisa, iyo in la ilaaliyo dimoqraadiyadda dalka.

 

“Xilligan xasaasiga ah, Maraykanku wuxuu garab taagan yahay dadka Niger si aan u ixtiraamno iskaashigayada tobannaanka sano ah ee ku qotoma qiyamka dimuqraadiga ah ee la wadaago iyo taageerada maamulka rayidka ay hoggaamiyaan,” ayuu yidhi.

 

“Dadka Niger waxay xaq u leeyihiin inay doortaan hoggaamiyayaashooda,” Biden ayaa yidhi. “Waxay rabitaankooda ku muujiyeen doorasho xor iyo xalaal ah, taasina waa in la ixtiraamo.”

Maraykanku weli si rasmi ah uma go’aansan haddii xaaladdu noqoto afgambi, calaamad u baahan in Maraykanku gooyo kaalmada shisheeye iyo Millateri ee dawladda Niger, taas oo cawaaqib xun ku yeelan karta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xasilloonida gobolka. Ma jiro waqti go’an oo Maraykanka looga baahan yahay inuu sameeyo magacaabid afgambi.

 

“Waxaan u shaqaynaynaa , runtii aad u adag si aan u aragno inaan tan u rogi karno,” ayuu yidhi sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Isniintii. “Maadaama aannay xaaladdu weli dejin oo aan la taaban karin, waxaan u maleyneynaa inaan isku dayno oo aan ka faa’iidaysano fursadaas.”ayuu yidhi.

 

Maalintii Khamiista, guddoomiyaha guud ee ciidamada Maraykanka Gen. Mark Milley ayaa la hadlay dhiggiisa Niger.

 

“Labada hogaamiye waxay ka wadahadleen badqabka Maraykanka iyo xaaladdaha soo koraya ee Niger,” Col. Dave Butler ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay Isniintii.

 

Saraakiisha Maraykanku waxay sii wadaan inay carrabka ku adkeeyaan in xaaladdu ay tahay mid si cajiib ah u dareeraysa, iyo in ay diiradda saarayaan dadaallada diblomaasiyadeed, oo ay weheliyaan saaxiibada gobolka, si loo soo celiyo xukunka dimuqraadiga ah ee Niger.

 

Joogitaanka guud ee ciidamada Maraykanka ee dalka isma bedelin, sababtoo ah taasi waxay u baahan tahay go’aan siyaasadeed oo gaar ah. Laakiin Pentagon-ka waxa ay ku hawlan tahay “samir istiraatiiji ah marka aan la socono xaaladda oo aan aragno sida ay isu xalliso,” ayuu yidhi sarkaalka millatariga ah.

Inqilaabka lagu sameeyay Bazoum, oo 63 jir ah, ayaa sidoo kale waxaa dhaleeceeyay Ruushka oo sheegay in xaaladdu tahay md walaac weyn, iyadoo. Faallooyinka Kremlin ay kusoo beegmeen maalmo kaddib markii madaxa calooshood u shaqeystayaasha Wagner Yevgeny Prigozhin uu u muuqday inuu taageeray afgambiga.

 

Guushii Bazoum ee doorashadii 2021-kii ee horseeday kala-guurkii ugu horreeyay ee nabadeed ee Niger ayaa loo arkayay bilow cusub oo waddan soo maray afar isku day oo hore oo afgambi ah tan iyo markii uu xornimada ka qaatay Faransiiska 1960.

 

Maraykanka ayaa ciidamo ka jooga Niger ku dhawaad toban sano, inta badan waxay latalinayeen oo ay tababarayeen ciidamada Niger dadaalada la dagaalanka argagixisada.

 

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa Isniintii sheegay in xaaladda goobta ay tahay mid deggan.”Runtii ma jiraan wax qalalaase ah oo ka jira magaalada ama dalka. Runtii waxay dhammaan diiradda saareen guriga madaxweynaha, “halkaas oo Bazoum uu ku xidhan yahay, ayuu yidhi.

Sargaalka ayaa sheegay in aannay u muuqan in Tiani uu awood u lahaa in uu isfaham ka dhex abuuro Millateriga falalkiisa, iyo in go’aankii uu isku magacaabay ee madaxweynenimada uu la yaab ku noqday qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha kale ee Millateriga dalka.

 

Weli ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in kooxaha sida Wagner ay door ka ciyaareen la wareegidda ama mudaaharaadyadii xigay, laakiin “dabcan, waa rajadayada, waxaad horayba u aragtay (aasaasaha Wagner iyo maalgeliyaha Yevgeny) Prigozhin waxay ku hadlaan innay isku dayi doonaan. kana faa’iidaysanayaan,” ayuu yidhi sarkaalku.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay  in hoggaamiyayaasha afgambiga ay isku dayi doonaan oo ay ka faa’iidaysan doonaan nacaybka Faransiiska ee gobolka,” ayuu raaciyay..

 

Iyadoo ay jireen mudaaharaadyo dadweyne oo u muuqda inay taageerayaan la wareegidda milateriga, haddana sarkaalku wuxuu sheegay in Maraykanku uu rumeysan yahay in shacabku ay door bidayaan dowlad dimuqraadi ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com