#Araweelo_News_Network.

 

New York(ANN)- Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa soo gaadhay daarta Trump Tower ee magaalada New York, halkaas oo la filayo in uu caawa u hoydo ka hor inta aannu waajihin eedeymo loo diyaariyay.

 

Safarka Mr Trump ee Manhattan waxa lagu eedayn doonaa in doorkii uu ku lahaa lacagihii uu siin jiray xiddiga filimada qaawan ee Stormy Daniels.

 

Eedeymaha saxda ah ee uu waajahayo waxaa si buuxda loogu soo bandhigi doonaa dhageysiga dacwada, saacada 14:15 wakhtiga maxaliga ah Salaasada (19:15 BST) oo ku beegan 9:00 PM ee Afrikada Bari .

 

Mr Trump, oo 76 jir ah, waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Maraykan ah taariikhda waajaha kiis dambi dacwad sidan oo kale ah, balse wuxuu diiday inuu in uu khalad sameeyay. Sida ay soo xigtay New York Times.

 

“WITCH HUNT,” Mr Trump, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa sidaa ku qoray bartiisa bulshada ee runta wax yar ka hor intii aannu u ka safrin gurigiisa oo ku yaal Florida Isniintii.

Safarkiisa, ayaa qaatay 24-ka saacadood, iyadoo madaxweynihii hore oo isla markaana ah murrashax doonaya inuu ku tartamo doorashada Aqalka Cad ee 2024, waxayna arrinta Trump noqotay mid si weyn indhaha loogu hayo, iyadoo aan la ogayn sida xaalku noqon doono.

 

Isgoyska Trump Tower oo ah halka uu degan yahay madaxweynihii hore ee Manhatan, ayaa waxaa si isku mid ah u soo buux dhaafiyay dadka reer New York iyo dalxiisayaasha, kuwaas oo u istaagay goobta si ay ula socdaan xaaladda Isniintii. Sidoo kale, boqolaal suxufiyiin ah ayaa danaynaya mawduuca Trump, kuwaas oo ka sameystay halkaa fadhiisin, iyadoo dhinaca kale ay jireen ugu yaraan shan helikobtar oo wararka ah ay dul heehaabayeen jidka Fifth Avenue, si ay u tebiyaan wararka la xidhidiha arrintan iyo sida xaalku yahay.

 

Mr Trump ayaa u gacan haadiyay taageerayaashiisa markii uu soo galayay dabaqa sare aqalkiisa, halkaas oo ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay, isagoo waqtiga yar ee ka hadhay maalinta inta ka dhiman guriga kula kula kulmaya lataliyeyaal sharci.

 

Subaxnimada Salaasada, booliiska iyo saraakiisha maxkamada iyo sidoo kale wakiilada Adeegga siraha ayaa la filayaa in ay Mr Trump u galbiyaan New York – magaaladii uu ka dhisay boqortooyadiisa dhismaha maxkamada hoose ee Manhattan.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in marka hore uu iska dhiibo xafiiska qareenka degmada Manhattan Alvin Bragg ka hor inta aan maxkamad la soo taagin, nidaamkaas oo ay ka mid yihiin in faraha laga qaado iyo in laga yaabo in sawir laga qaado, sida uu dhigayo nidamku.

Trump, ayaa markaa kaddib waxa uu hor iman doonaa garsooraha, kaas oo akhriyaya eedaaha lagu soo oogay ee dacwadda, wallow Qareenadiisu hore u sheegeen in aannu wax dambi ah qiran doonin.

 

Mr Trump ayaa waajahaya ugu yaraan hal dacwad ciqaab ah oo la xidhiidha been abuurka diiwaannada ganacsiga, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka. Warbixinno kale ayaa soo jeedinaya in ay jiraan ilaa 30 dacwadood oo lagu soo oogay, kuwaas oo dhammaantood lala xidhiidhiyay lacag la siiyay xiddigga lulataaye Stormy Daniels intii lagu jiray doorashadii 2016.

 

Madaxweynihii hore ayaa la filayaa in dammaanad lagu sii daayo oo uu noqdo gurigiisa Mar-a-Lago ee Florida fiidnimada Salaasada, halkaas oo uu qorsheynayo inuu khudbad ka jeediyo.

 

Hay’adaha fulinta sharciga oo ay ku jiraan FBI-da, booliiska New York iyo saraakiisha maxkamadaha, iyo Adeegga sirta  ayaa la sheegay inay iska kaashanayaan ammaanka inta lagu jiro dhageysiga.

 

Shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii, duqa magaalada New York Eric Adams ayaa sheegay in, inkastoo aannay jirin khataro gaar ah oo ka dhan ah magaalada, balse ay jiraan saraakiil la diyaariyay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com