#Araweelo_News_Network.

Ankara(ANN)- Natiijadda doorashooyinka ku celiska ah ee Turkiga, ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo natiijooyinka hordhaca ah, wallow xaalaaddu tahay mid muujinay inuu mar kale loollan addag dhexmaray Madaxweyne Erdogan iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka Kemal  Kilicdaroglu.

ALt: "Khariirada Doorashooyinka Turkiga 28 May 2023.

Khariirada Turkiga Doorashooyinka tartanka addag ee 28 May 2023.

Xayiraadda baahinta ee ku dhawaaqista natiijooyinka hordhaca a,h, ayaa la filaaya in la qaado Saacaddaha soo socda, waxayna u badan tahay in la qaado 6:30pm wakhtiga maxaliga ah (15:30 GMT), sida laga soo xigtay masuuliyiinta guddida doorashooyinka.

 

 

Guddia, ayaa hore u sheegay in xayiraad la saaray in la baajiyo natiijooyin hordhaca ah ilaa la gaadhayo Goobaha cod bixinta ee lasoo xidhay 5pm (14:00 GMT), waxaana goobaha ka socda  tirinta codadka doorashada madaxtinimo ee taariikhda Turkiga gashay.

In ka baddan 64 milyan oo qof ayaa xaq u leh inay coddeeyaan, iyadoo goobaha codbixinta la furmay 8 subaxnimo ee saaka xilliga maxaliga ah (5:00 GMT).

Doorashooyinka Turkiga ayaa ah kuwo si weyn loo nadaamiyay, isla markaana si weyn loo majeertay dhanka dimuqraadiyadda, balse natiijada hordhaca ah ayaa la filayaa saacado guddahood marka ay doorashada xdhanto .

Muwaadiniinta Turkiga ee ku nool dibaddaha ayaa hore  u dhiibtay codkooda, waxaana la xaqiijiyay inay codkooda dhiibteen Ilaa 1.9 milyan, kuwaas oo ku kala nool 73 wadan oo daafaha dunnida ah.

Sidoo kale,  codbixinta doorashooyinka, ayaa ka socotay albaabada xudduudaha uu dalka Turkugu la wadaago dalalka ku xeeran, halkaasoo sanaadiiqda cod bixinta ay furnaayeen ilaa laga soo xidhay codbixinta Turkiga.

 

Codbixinta  Doorashooyinka Turkiga ee maanta Axad ah28 May 2023, ka dhacday dalka, ayaa ahayd mid daba socotay codbixintii  Axaddii  May 14, 2023,  ka qabsoontay guud ahaan dalka , taas oo kusoo dhammaatay si nabadgelyo ah, balse loollan addag oo dhexmaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo Kemal  Kilicdaroglu oo ah hoogaamiyaha isbahaysiga mucaaradka ayaa midkoodna ku guulaysan waayay inuu helo codadka  loo baahnaa, taas oo sababtay in lagu celiyo doorashada oo ay ku tartamaan labada murrashax ee ugu codadka baddan.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waa murrashaxa xisbiga (AK Party), wuxuu muddo ka baddan labaatan sannadood hoggaaminayay dalka Turkiga, wuxuu loolan adag kala kulmay Kemal  Kilicdaroglu , kaas oo ah hoggaamiyaha mucaaradka  Republican People’s  Party (CHP).

Kemal  Kilicdaroglu, wuxuu muddo 13 sannadood ah hoggaaminayay xisbiga, isagoo doorashadii Baarlamaanka kusoo biiray 2002, sidoo kale hoggaamiyaha mucaaradka ayaa gadhwadeen ka ahaa muddaharaadyadii 2017 ee gilgilay Istanbul, kuwaas oo ugu baaqayay Erdogan iyo xukuumaddiisu inay is casilaan.

Gollaha Sare ee Doorashooyinka oo loo soo gaabiyo (YSK) ayaa ah guddida ugu sarreeya ee doorashada dalka , kuwaas oo kormeeri doona hannaanka dimuqraadiga ah ee ballaadhan ilaa codadka ugu dambeeya la tiriyo oo la aqoonsanayo kuwa ku guuleystay.

Natiijadda Doorashadii Axaddii  May 14, 2023.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa helay 49.52 boqolkiiba codadkii la dhiibtay 14 May, iyadoo ninka la tartamayay Kemal Kilicdaroglu uu helay 44.88 boqolkiiba.

Sinan Ogan, ayaa helay 5.17 boqolkiiba codadka, waxaana uu ku taageeray Erdogan wareegga labaad. Sida laga soo xigtay wakaaladda Anadolu, 88.84 boqolkiiba 64 milyan oo qof  oo ah tirada xaqa u leh inay codeeyaan ee Turkiga, kuwaas  oo codkooda dhiibtay wareegii koowaad.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net

http://archive.araweelonews.com

www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com