#Araweelo_News_Network.

 

Ankara(ANN)- Natiijadda doorashooyinka ku celiska ah ee Turkiga, ayaa  si hordhac ah loo shaaciyay, iyadoo  guusha doorashada sida addag loogu tartamay  ay  raacday Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xisbigiisa (AK Party).

 

Kemal  Kilicdaroglu , ayaa lagaga adkaaday doorashada, isagoo aaha hoggaamiyaha mucaaradka ee  Republican People’s  Party (CHP).

 

 

 

Guddia, ayaa hore u sheegay in xayiraad la saaray in la baajiyo natiijooyin hordhaca ah ilaa la gaadhayo  Goobaha cod bixinta ee lasoo xidhay 5pm (14:00 GMT), waxaana goobaha ka socday  tirinta codadka doorashada madaxtinimo ee taariikhda Turkiga gashay.

Hase yeeshee Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa muujinaya ‘murugo dhab ah’ oo ku saabsan mustaqbalka Turkiga, taas oo ay sabtay guuldarada uu kala kulmay doorashada.

Erdogan (AKP)   52.12%, halka Kilicdaroglu  oo ka socday isbahaysiga  mucaaradka (CHP) uu helay 47.88%

“Murugada dhabta ah waxay ku saabsan tahay dhibaatooyinka dalka sugaya,” sidaa waxa yidhi,  Kilicdaroglu , waana hadalkiisii ugu horreeyay ee meel  fagaare ah uu ka jeediyo doorashada kaddib, isaga oo aan si rasmi ah u aqbalin in laga adkaaday.

Wuxuu sheeegay inay sii wadi doonaa inaan halganka iyo dagaalka sida uu sheegay  dhanka dimuqraadiyadda,, wuxuuna ka codsaday taageerayaashiisa inay sii wadaan halgankooda.

 

Kilicdaroglu ayaa ku tilmaamay habka doorashada kii ugu cadaalad darada badnayd ee muddo sanado ah ka dhacda Turkiga, wallow dunidu si weyn u maantay doorashada Turkiga, isla markaana lagu tilmaamay mid dimuqraadi ah.

 

“Dhammaan dariiqyada gobolka waxaa loo abaabulay hal xisbi siyaasadeed waxaana la dhigay caggaha hal nin,” ayuu yidhi, hoggaamiyaha CHP., oo ka cadhaysan natiijada.

: “Waxaan aad ugu mahad naqayaa madaxda Isbahaysiga Qaranka, ururadooda, codbixiyayaashayada, iyo shacabkii ilaashaday sanaaduuqda codbixinta ee la dagaalantay culaysyadaas anshax darrada ah iyo kuwa sharci darrada ah.” Ayuu yidhi.

 

“Annigoo ah qof u dhashay dalkan, waxaan had iyo jeer u halgami jiray xuquuqdaada iyo caddaaladda, si aan qofna kuu dulmin, si aad u noolaato wax baddan, aniguna waan sii wadi doonaa,”,ayuu yidhi,  Kilicdaroglu.

 

Hoggaamiyaha CHP , ayaa sidoo kale, yidhi, “rabitaanka dadka ee ah in la beddelo nidaamka kali-taliska ah ayaa soo ifbaxay in kasta oo cadaadis kasta la saaray.”

 

Waxaan sii ahaan doonnaa safka hore ee halgankan inta ay dalkeena ka imannayso dimoqraadiyad dhab ah, ayuu hadalkiisa raaciyay.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net

http://archive.araweelonews.com

www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com