Araweelo News Network.

Wargeeyska ” The world street” ayaa Qoray warbixin dheer oo uu diiradda ku saaray siyaasadda laba wajiilaynta ah ee Madaxweeynaha Turkiga Rajab Tayyip Erdogan.

Erdogan ayaa is garab taagay reer Galbeedka,  gaar ahaan dagaalka Ukraine, wuxuuna kaga qayb qaatay Diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan (Byraktar Drone).

Diyaaraddan Byraktaar waxaa loogu magac daray wiilka qaba gabadha uu dhalay madaxweeyne Erdogan, kaas oo magaciisu Yahay Secluck Byarktaar.

Diyaaraddaha Drones-ka ah ee Byraktaar, waxaa soo saara Seluck Bayraktaar sidaa awgeed Erdogan ayaa heshiis kula galay Ukraine in Guddaha dalkaa laga sameeyo  warshad samaysa diyaaradda Byraktaar,  taas oo dhismeheedu soconayo muddo saddex sannadood ah,Waxayna ku kacaysaa qiimo lacageed oo dhan 100 billion oo doollarka Marayknaka ah.

Erdogan ayaa go’aansaday  inuu dalka Ukraine u sameeyo hubka diyaaraddaha,  Kadibna wuxuu damacsan yahay inuu u sameeyo Maraakiibta dagaalka.

Erdogan iyo Ruushka

Madaxweynaha Turkigu, isagoo  sidaa isku garab taagay dalka Ukraine iyo Quwadaha reer Galbeedka,  ayuu haddana ka hor yimi go’doominta dhaqaale ee reer galbeedku ay saareen dal Ruushka.

Sidoo kale, Erdogan, wuxuu si toos ah ula hadlay Vladimir  Putin oo ah Madaxweynaha Ruushka, wuxuu u ogolaaday in Ruushku maalgashado dalka Turkey, isagoo Turkigu  hehsiisyadaa la gaadhay Ruushka xilli ay colaad weyn ka dhex abuurantahay reer Galbeedka iyo Ruushka.  Waxa kale oo Turkigu ka iibisaday Ruushka hub qiimo ahaan lagu qiyaasay $400 oo billion.

Si kasta ha ahaate Erdogan maaha nin laysku aamini karo siyaasad ahaan, wuxuuna ciyaarayaa siyaasad aan laysku hallayn karayn oo wejiyo baddan.

Araweelo News Desk
Written and translated by Dr. Ahmed Hassan Salah, Editing by Arraale M Jama.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com