Araweelo News Network.

Dadka Gobolka Hiiraan waxay ka tahay run in lala dagaalamo Al-Shabaab.  Balse dowladda muqdisho waxay ka tahay mashruuc NGO ah oo ay caalamka uga kaga doonayo lacag.

Masuuliyad darrada Dowladdii loo igmaday ammaanka dalka iyo dadka iyo jihaynta arrimaha masiirigi ah , waxay  ka baadhanaysaa reer Galbeedka  si ay u siiyaan lacago ay Madaxdu kala goostaan, iyagoo doonaya oo keliya in ay helaan wax yar oo adduunyo ah, balse waxay  iibsnayaan wax ka weyn oo ah masiirka ummadda iyo dalka.

 

Guumaystayaasha reer Galbeedka ee loola baxay magaca quruxda badan ee ” Beesha caalamka” ayaa iyaguna ka Faa’iidaystay masuuliyad darrada dowladda muqdisho, sababtoo ah lacagaha yar ee ay bixiyaan waxay ku doonayaan wax weyn, taas oo  ah inay dalkan taldiisa iyo masiirkiisa ay kaalin weyn ku yeeshaan kaalintaasi waa inay si toos ah ama si dadban dalkan u guumaystaan.

 

Qofkai aaminsan Soomaaliya Guumaysi kuma jirto waa qof jaahil ah, kaas oo aan waxba ogayn arrimaha waaqiciga ah ee dhabta ah ee ka jira dalka Soomaaliya.  Haddaad maqasho dal  ayaa qaata lacagaha Gargaarka ah, taasi micneheedu waxa weeye dalkaasi waa la yeeshay , waana la maamulaa.  Haddaba is weydii Soomaaliya muddo intee leeg ayay kusoo tiirsanayd lacagaha Gargaarka ee la siinayay ?

 

Guumaystaasha reer galbeedku ma rabaan in la soo afjaro mashruuca la dagaalanka Al shabaab ee ay ku sheegaan argagixisanimada waayo,  mashruucaasi waa Qiilka keliya ee u suuro gelinaya inay dalka sii joogaan oo kaalin weyn oo fara gelineed ku yeeshaan dhanka dhaqaalaha,  iyo siyaasaddaba.

 

Mashruuca NGO-ga ah ee ka dhexeeya dowladda Muqdisho iyo Guumaystayaasha reer Galbeedka waa mid dalka iyo dadka Soomaaliyeed sii gelinaya Mustaqabal mugdi ah,  kaas oo sabab u noqonaya inay colaaddaha iyo Qaraxyadu sii socdaan sannado baddan.

Sidoo kale, waxa ammaan xumada dalka ka jirta qayb ka ah ciidamada ajaanibka ah ee dalka jooga,  kuwaas oo iyagu siyaabo dhagaraysan u taageera kooxaha dhibaatooyinka ka wada Gudaha dalka Soomaaliya, waxayna waxaas oo dhan uga shaqaynayaan si mashruucooda Soomaaliya uu sii socdo muddo baddan maadaama ay dhaqaale baddan ka helaan.

 

Dadkii waddanka lahaa waxa kala geysay Qabyaalad iyo cunsuriyad ku dhisan nacayb.  tusaale ahaan raggaa MADAXDA ah ee mustaqbal umadda ku iibsaday adduun yar oo lacageed dad baa qabiil ahaan ku difaacaya oo u arkaya in beeshooda la soo weeraray haddii laysku dayo in wax laga qabto, ama la tilmaamo.

Writing by Dr. Ahmed Hassan Salah and first published this article on Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published on the Araweelo News Network.