Maraykanka iyo Ruushka Oo Ka Aamusay

#Araweelo_News_Network.

New York (ANN)-Xubnaha Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar ku baaqaya in la maro marinnada bini’aadantinimo ee Qaza, iyadoo intii lagu jiray kulan ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee New York Jimcihii kaddib kulamo Albaabada laysu xidhay oo socday maalmo ayaa lagu go”aamiyay in lasoo saaro qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Jimcihii la ansixiyay.

Laxidhiidha: Israel Oo Dagaalka Xamaas Ku Khasbay Innay Dalbadaan Heshiis

Qaraarka ayaa ku baaqaya in la joojiyo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, sidoo kale kordhinta gargaarka Qaza iyo abuurista xaalado u oggolaanaya in si joogto ah loo joojiyo dagaalka, kuwaas oo soo afjaraya maalmo wadahadalo albaabadu u xirldhan yihiin.

Qaraarka ayaa ku baaqaya “hakin bini’aadantinimo oo degdeg ah oo fidsan iyo marrinada marinka Qaza oo dhan dhowr maalmood oo ku filan si loo suurtageliyo helitaan bini’aadanimo oo buuxa oo degdeg ah, badbaado leh, oo aan la xannibin.”

Laxidhiidha: Maraykanka Oo Ruushka, iran iyo China Ku Tilmaamay Kuwo Ku Farxaya Guuldarada Washington

Maraykanka iyo Ruushka ayaa ka aamusay codbixinta, waxayna go’aansadeen innay diidaan innay u adeegsadaan diidmada qayaxan ee xubnaha joogtada ah ee guddiga ridista qaraarka.

Safiirka Maraykanka ee Linda Thomas-Greenfield ayaa bogaadisay qaraarka, balse way ka gaabsatay inay u codayso kaddib markii qoraalka lagu soo dari waayay cambaaraynta Xamaas.

Laxidhiidha: Qaraarada Gollaha Amaanka Oo Ku Burburay Gacanka Kuuriya Oo Quwaddaha Waaweyn Ku Hirdamayaan Iyo Walaaca Q.Midoobay

“Waxaan jeclaan lahayn inaan aragno cambaaraynta Xamaas,” diblomaasi sare oo Maraykan ah ayaa u sheegay CNN. “Ma fahmin sababta golluhu aanu u sharxi karin sida saxda ah ee aan ku gaadhnay meesha aan joogno. Laakiin dhamaadka maalinta, taasi waa waxa dublamaasiyadu ku saabsan tahay.”ayuu yidhi.

Laxidhiidha: Ruushka, North Korea iyo China Oo Maraylanka iyo Xullufadiisa South Korea Ku Haddidaya Marrinka Murranka Oo Xiisad Collaadeed Ka Aloosantahay

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com