Markii lay qabtay waxan ahaa dhaawac, waa laysoo qaaday si fiican ayaa layla dhaqmay, sababtoo ah waxa I qabatay dawlad, waxaan dhaammaa rag baddan.” Axmed Maxamed Jaamac oo ka tirsnaa Ciidanka PS ee Maamulka Puntland oo ka mid ah maxaabiista Cidanka Qaranka Somaliland qabteen

#Araweelo_News_Network.

 

 

Laascaanood(ANN)-General Cali Bare Xuseen oo ahTaliyaha Aagga  Bari ee difaaca  Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa warbixin ka bixiyay qaabka dagaalka maanta oo Sabtoi ahayd uga dhacay Magaalada Laascaanood.

General Cali Bare oo ay hareera fadhiyaan qaar ka mid ah Saraakiisha Taliska Goojacade, wuxuu sidoo kale ka hadlay khasaaraha ka dhashay dagaalka, isagoo yidhi, “Dagaalka maanta wuxuu ka bilaabmay gaadiid  taakulo  noo siday oo ay Malayshiyada Huwanta Punt;and iyo kuwa argagixisada ee Cabdi Madoobe hoggaamiyaa damceen inay jidgooyo u galaan Madaarka Magaalada Laasccaanood” ayuu yidhi, General Cali Bare.

Taliyaha Aaga Bari ee Ciidanka Qaranka, ayaa sheegay in durbadiiba ay ku baxeen Ciidanka Qaranku, isla markaana uu halkaa ka dhacay dagaal in baddan socday oo sababay matkii loo awood sheegtay huwanta in Magaalada laysla galo.

“Markii la jebiyay maleeshiyada, waxa laga qabsaday saddex gaadhi oo ku gaashaaman qoryaha dhashiikaha, Gaadhi uu saaranyahay qoriga Siikaawaha, Gaadhi Jeep ah, Gaadhi waaraad ah ooh ore looga qabsaday qaybta 7aad iyo gaadhi nooca loo yaqaan Noha oo rasaas u siday .” ayuu yidhi.

Laxidhiidha: Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaal Maxaabiis Iyo Gaadiid Lagu Qabtay

Taliyaha ayaa sheegay in weerarka laga soo qaaday jihada Galbeed ka ee Laamiga dhinaca Hargeysa iyo Burco usoo baxa, “waxa kale oo ay weerar kasoo qaadeen dhinaca jihada Koonfur Bari, dagaalkuna wuxuu bilaabmay siddeedii subaxnimo, labada jihaba waa lagu jebiyay, Ilaahay ayaa guuldarada raaciyay annaga guushii ayaa na raacday, waana mid aan Allah ugu mahadinayno, ciidanka qaranka ninkii soo doonta ayuun baa dhibaato ku dhacdaa,” ayuu yidhi, General Cali Bare..

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in laga qabtay maxaabiis uu ku jiro xildhibaan ka tirsan mamul goboledka Puntland , Xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar oo hore ugu hanjabay inay Burco iyo Hargeysa qabsanayaan, balse General Cali Bare Xuseen ma sheegin khasaaraha  kasoo gaadhay dagaalka dhinaca Ciidanka Qaranka Somaliland iyo inay jiraan maxaabiis laga qabtay, wallow  wararka kale ee aannu helaynaa sheegayaan inuu jiro dhaawac iyo dhimasho  aan si dhab ah loo xaqiijin.

https://fb.watch/jExUo4IJ5g/
Xildhibaan Faarax oo ka mid ah 13 maxbuus oo ay ciidanka Qaranka Somaliland gacanta ku dhigeen, ayaa ka hadlay sida loola dhaqmay markii la qabtay ka hor intii aan loo gudbin Taliska Goojacade, wuxuuna ka mahad sheegtay dhalinyaradii qabaty, kuwaas oo sida uu sheegay aan wax dhibaato ah u geysan, sidoo kale mid ka mid ah maxaabiista oo dhaawac ah, ayaa la weydiiyay sida loola dhaqmay, isagoo yidhi, “Markii lay qabtay waxan ahaa dhaawac, waa laysoo qaaday si fiican ayaa layla dhaqmay, sababtoo waxa I qabatay dawlad, waxaan dhaammaa qaar baddan.” Ayuu yidhi. Maxbuuska dhaawaca oo magaciisa ku sheegay Axmed Maxamed Jaamac oo ka tirsnaa Ciidanka PS ee Maamulka Puntland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com