Israel Oo Si Badheedh Ah U Jebisay Heshiiska Muddada Dheer Ee Masar

> Duulaanka Rafax Oo Galaaftay Askari Masri Ah

ku akhri wax ka yar 1min.

#Araweelo_News_Nerwork.

Cario (ANN)- Madaxweynaha Dalka Masar Abdel Fattah Al Sisi , ayaa lagu khasbay inuu ka jawaabo Duulaanka Israel ee magaalada Rafah ee Marinka Qaza, iyadoo Israel sii waddo duulaanka, isla markaana dhega ka furaysatay dhawaaqyada kaga imanaya caalamka.

Israel ayaa gashay xadka soohdinta Masar, waxayna Millateriga Israel guddaha u galeen marrinka ka caaggan ciidamadda sida uu dhigayay heshiiska ay Masar iyo dhawr dal oo kale la lahayd in kau dhow  nus qarni.

Heshiiskii nabadeed ee Masar iyo Israa’iil ayaa lagu saxeexay Washington, D.C., Mareykanka, 26-kii March 1979, kaddib heshiiskii Camp David 1978. waxaana Heshiiska Masar iyo Israel xilligaa wada saxeexay Madaxweynihii Masar ee la dilay Anwar Sadat, , iyo Menachem Begin, oo ahaa Ra’iisal Wasaaraha Israel, waxaana goob joog ka ahaa Jimmy Carter, oo waqtigaa ahaa Madaxweynaha Mareykanka.

Hase yeeshee, waxa muuqata in xiligan duulaanka Israel ee Rafax meesha ka saarayo heshiiska muddada dheer soo jiray, iyadoo cadaadis xoog leh uu waajahayo madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al Sisi, waxaana lagu cadaadinayaa inuu si xoog leh uga jawaabo cadawgii hore ee Masar oo ah Israel oo ay muddo dheer nabad qabow kula jirtay, wallow uu Madaxweyne Al Sisi waajahayo cabsi kale iyo kacdoon guddaha oo xukunka lagaga tuuro.

Al Sisi, ayaa sidoo kale, ka vabsi qaba in dhibaatooyinka dhaqaalle ee xilligan hadheeyay dalkiisa uu uga sii daro iyo in dalalka reer galbeedku xukunka ka tuuraan, iyadoo Israel annnay wax cabsi ah ka qabin taliska Masar ee Madaxweyne Al Sisi, balse awoodda iyo cabsida kaliya ee Israel iyo xullufada Maraykanka ay iska eegayaan tahay Iran iyo gamceheeda ay dagaalka kula jiraan,

Tan iyo markii Israa’iil ay billowday in ay ciidamadeeda geyso xuduudda koonfureed ee Qaza toddobaadyadii la soo dhaafay, millatariga Masar ayaa soo saaray awaamiir ku aaddan askarta ku sugan xuduudda in ay rasaas kaga jawaaban haddii xabbad lagu soo rido, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Masar.

Xukuumadda Masar ayaa uga digtay Israa’iil aannay  ka waaban doonin in ay si millatari uga jawaabto haddii ammaankeeda la halis geliyo, ayay raaciyeen, balse Israel dheggaha ayay ka furaysatay hadalkaa, waxayna bilawday hawsheeda, iyadoo gashay guddaha soohdinta ka caaganayd Millateriga oo ay dubaabaadkeedu soo gaadheen, isla markaana ugu yaraan Askari Masri ah ayay Israel ku dishay halkaa, kaas oo malaayiin qof ka qaybgaleen janaasadiisa.

Askariga ayaa lagu aasay deegaanka Faiyum ee Masar oo ah  magaalo ku taal badhtamaha Masar, taas oo  100 kiiloomitir (62 mayl) Koonfur-galbeed ee kaga beegan caasimadda Masar ee Qaahira, waxaana xusid muddan in Magaalada Faiyum Oasis, ay tahay Caasimadda casriga ah, isla markaana ku taal deegaanka Saxaraha ee galbeedka webiga Nile.

Tallaabooyinka Israel ka waddo marrinka Qaza iyo Rafax u muuqdaan mid sii ballaadhinay dagaalka oo khasab ka dhigaya in hoggaamiyayaasha carabta ee daawanaya ay ku khasbanaadaan innay tallaabo qaadaan ama ay waajahaam duufaano siyaasadeed oo guddaha ka qarxa, isla markaana sababa innay si lama filaan ah oo fool-xun ku waayaan madaxnimadooda, maadaama ay isa soo taray cadhada shucuubta Carabta ee quluubta ka ooyay iyo hoggaamiyayaashooda aamuska ku daawanaya waxa ka dhacaya toddobada bilood Qaza  ee shacbiga Falastiin go’doominta iyo gumaadka loogu geysanayo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com