#Araweelo_News_Network.

 

Tel Aviv(ANN)-Maraykanka ayaa ku baaqay in xalka Falastiin iyo Israel lagu soo gebagebeeyo laba dawladood oo siman si meesha looga saaro collaada mudada dheer soo jirtay.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa hadalkaa u sheegay weriyayaasha, isagoo ay shir saxaafadeed wadajir u qabteen Benjamin Netanyaho .

 

Antony Blinken ayaa ku baaqay in xiisadda la dejiyo ka dib markii uu gaadhay Tel Aviv Isniintii, iyada oo xiisadda Israel iyo Falastiin, soo xoogaysatay maalmihii u danbeeyay, taas sii kordhisay cabsida.

 

“Waa mas’uuliyadda qof walba inuu qaado tillaabooyin lagu qaboojinayo xiisaddaha halkii uu sii hurin lahaa,” Blinken ayaa u sheegay suxufiyiinta kaddib markii uu booqashadiisa caga dhigtay Tel Aviv.

 

“Israel iyo Falastiin labaduba waxay u baahan yihiin inay helaan fursado isku mid ah oo xorriyad, Dimuqraadiyad, Caddaalad iyo amni si isku mid ah.”ayuu yidhi, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka.

Sidoo kale, Antony Blinken ayaa sheegay in xal laba dawladood ah ay tahay “dariiqa keliya” ee hore loogu soconkaro colaadda tobannaan sano jirsatay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

info@araweelonews.com