#Araweelo_News_Network.

Hargyesa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shirka Garaadada uga socda Magaalada Laascaanood oo si weyn looga hadalhayo Somaliland iyo meelo kale, wuxuuna tilmaamay xukuumad ahaan waxa ay ka filayaan inay kasoo baxaan shirka oo maalintii saddexaad galay.

Laxidhiidha: Laascaanood Shirka Xamaasadaysan Ee Ka Socda Iyo Guddoomiye Oo Ka Hadlay Wuxuu Kusoo Arkay

Madaxweyne Biixi, wuxuu sidoo kale ka hadlay tabashooyinka dadka deegaanka iyo dhacdooyinkii dilalka ahaa ee huriyay kacdoonka shacabka Laascaanood, isagoo si cad u sheegay in dilalka ka socday gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood ay ahaayeen kuwo ay kooxaha argagixisadu ku khalkhalinayeen nabadgelyada iyo amniga, isla markaana wuxuu ku tilmaamay in dhammaan dilalkaasi ahaayeen kuwo la doonayay in lagu wiiqo amniga iyo qaranimada Somaliland.

” Dadka Reer Laascaanood way garanaayan dawladnimada oo taariikh ku leh dalkan, mana filayno in shir nabadeed oo intaas oo garaad iyo madaxdhaqameed isugu yimaadeen inay ka soo baxaan wax dhibaato ku ah qaranka iyo nabadgelyada.” ayuu yidhi, waxaan ka filaynaa wixii kasoo bixi jiray shirarka sidan oo kale ah, ayuu raaciyay.”

“Dhalinyarada iyo dadka mudaharaadka wadaa umma wadaan xumaan dadkooda iyo dalkooda Somaliland, waxaa dheggahooda laga buuxiyay oo dhibaatada ugu weyn abuuray Argagixisada caalamiga ah oo muddo toban sannadood ah ku dishay 40 qof oo haldoorkii Somaliland oo ahaa kuwii dawladda u shaqaynayay iyo kuwa taageera, waxay abuurayeen nacayb ah waxa dishay dawladda si ay u burburiyaan nidaamka dawladda ee dhisan, waxayna usoo gashanayeen marba shaadh.” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi, isagoo waxba kama jiraan ka dhigay warar uu sheegay inay yihiin kuwo been ah oo la leeyahay dawladda Somaliland ayaa dishay dadkaa, “Dadka waxaa rumaystay waxaan leenahay xaqiiqda suga”

.

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin inay dhegeystaan shacbigooda, sidaa awgeed ay qaadanaayan oo diyaar u yihiin wixii gar loogu leeyahay iyo wixii tabasho ah ee kasoo baxa shirkaa.

Madaxweyne Biixi, wuxuu kaloo ka hadlay dhawaaqyadii lagu dalbanayay in ciidamada laga saaro .

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

info@araweelonews.com