#Araweelo_News_Network.

 

Washington (ANN) Dawladda Maraykanka, ayaa xayiraado cusub kusoo rogtay Sideed waddan oo ka mid ah kuwa hoggaamiya ee ugu tunka weyn Isbahaysiga BRCS.

93 Hay’adood oo kasoo kala jeeda  dalalka cidhiidhiga geliyay awoodda iyo dhaaalaha Maraykanka, ayaa lagu shaaciyay Liiska, kuwaas oo dalalkoodu safka hore ugu jira Isbahaysiga BRICS ee Ruushka Iyo Shiinuhu hoggaaminayaan oo fara ba’an ku haya awoodda iyo saamaynta dhaqaale ee Maraykanka.

Maamulka Madaxweyne Biden ayaa sheegay Jimcihii shaaciyay inuu xayiraado ganacsi oo cusub kusoo rogay 93 hay’adood oo ka kala socda Ruushka, Shiinaha, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Kyrgyzstan, India iyo Kuuriyada Koonfureed, kuwaas oo uu ku eeddeeyay innay Ruushka ku taageeraan dagaalka uu kula jiro Ukraine oo galay sannadkii labaad.

Laxidhiidha: #BRICS Isbahaysiga Dagaalka Lacagta Dollarka Oo Horseeday In Xataa Xullufadda Maraykanka Iyo Dalalka Yurub Yareeyaan Lacagta Dollarka

Talaabada xayiraada Maraykanku shaaciyay, ayaa kusoo beegantay maalin ka hor sanadguuradii labaad ee duulaankii Ruushka ee Ukraine, waxayna cunaqabatayntu si dhab ah u mamnuucaysaa shixnadaha Maraykanka ee loo diro kooxaha la beegsaday iyo Hay’addahaa, oo ay ku jiraan 63 kasoo jeeda Ruushka, halka 16 yihiin kuwo kasoo jeeda Turkiga, 8ka mid ah ayaa Shiinaha kasoo jeeda, iyadoo afar shirkadood ay dalka Imaaraadka kasoo jeedaan.

“Qalbigayaga ayaa ku culus in dagaalka aan macnaha lahayn iyo dhiig-miirashada ee Russia uu socdo, waana inaan sii wadnaa inaan muujino xallinta iyo taageerada dadka Ukraine,” Alan Estevez, oo ah Waaxda Ganacsiga ee Maraykanka oo hoos timaada xoghayaha kormeeraya siyaasadda dhoofinta, ayaa sidaa ku sheegay hadal uu soo saaray.

Talaabadan oo ka dhigaysa tirada guud ee hay’addaha liiska ku jira tan iyo markii uu duulaanka Ruushka ee Ukraine bilaabmay 900, waxayna tan u muuqaata mid qayb ka ah wareeggii ugu dambeeyay ee cunaqabataynta Maraykanka, saaxiibada iyo xullafadda si ay uga jawaabaan dagaalka ka socda Ruushka ee Ukraine, kaas oo bilaabmay Febr 24, 2022
Maraykanka ayaa sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogay in ka badan 500 oo bartilmaameed ah sababo la xidhiidha dagaalka iyo dhimashadii hoggaamiyihii mucaaradka Ruushka Alexei Navalny.

Horraantii toddobaadkan, Midowga Yurub ayaa ansixiyay xidhmadii 13-aad oo cunaqabateyn la xidhiidha Ukraine oo ka dhan ah Ruushka, taas oo mamnuucaysa ku dhawaad ​​200 oo hay’addo iyo shaqsiyaad lagu eeddeeyay innay Moscow ka caawiyaan soo iibinta hubka, ama ku lug lahaanshaha waxay ugu yeedheen afduubka carruurta Ukraine.

Hase yeeshee 93 ka hay’addood ee liiskooda la taxay Jimcihii, qaar ayaa lagu daray shirkado loogu talagalay u weecinta microelectronics-ka kontoroolka ah ee millateriga iyo sirdoonka Ruushka, sidaa waxa tidhi, waaxda Ganacsiga ee Maraykanka.

Sidoo kale, waxay xustay in lagu bartilmaameedsaday inay soo iibsadaan qalab Maraykan ah si ay uga caawiyaan Ruushka dib u buuxinta saanadiisa iyo alaabta kale ee millateriga.

Dhinaca kale, waxa xusid muddan in xayiraado gaadhaya 900 Maraykanku soo roggay tan iyo bilawgii dagaalka Ukraine laba sannadood ka hor, kuwaas oo inta baddan ku waajahnaa Ruushka, balse natiijooyinka ka dhashay ayaan waxba ka beddelin horrumarka Ruushka ee dhanka dagaalka Ukraine iyo weliba xidhiidhka uu dunida la samaynayo, isagoo xilligan hormood u ah Isbahaysiga BRICS ee Maraykanku u arko innay khatar weyn ku yihiin dhaqaalaha iyo siyaasadda Maraykanka ee ku waajahnayd dunida oo uu keli ku noqday markii uu burburay midawgii Soofiyeet wixii ka danbeeyay sagaashanaadkii, balse xilligan Isbahaysiga BRICS ay ku biirayaan xataa saaxiibo muddo dheer arrimo dhaqaale iyo iskaashi uu ka dhaxeeyay Maraykanka, kuwaas oo kasii jeestay xidhiidhka Maraykanka.

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com