Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron Oo Dalalka Yurub Uga Digay Lacagta Dollarka Maraykanka

#Araweelo_News_Network.

Washington (ANN)- Maraykanka ayaa ka walaacsan Dhibaatooyin dhaqaale oo si weyn u gil-gila, iyadoo ay tani imanayso diyaarinta qorshaha ay ku hawlan yihiin Isbahaysiga BRICS ee la doonayo in lagu wiiqo dhaqaallaha iyo saamaynta siyaasadda ee Maraykanku ku leeyahay aduunka.

Durba saaxiibada iyo Xulafadda Maraykanku waxay hoos u dhigayaan dollarka bangiyada dhexe
Ganacsiga BRICS, waxayna tallaabooyinka Isbahaysigu walaac ku abuureen dalalka Yurub iyo weliba saaxiibada Maraykanka.

Warbixin lagu daabacay  realmoney.thestreet.com, oo arrimaha lacagaha iyo dhaqaalaha ka faallooda, ayaa si cad u sheegay in BRICS iyo tiro yar oo ka mid ah wadamada soo koraya ay hoos u dhigayaan qaadashada doollarka Maraykanka ee kaydka Bangiyada Dhexe ee ay leeyihiin.

Maraykanka ayaa soo daabaca sannad walba Trillions lacagtiisa USD ,  taas oo aduunka oo dhan loo gudbiyo, isagoo usoo dhoofiya dalalka soo koraya si lacagta loogu khal-khaliyo dallalkaa, isla markaana sicir bararka wadamada kale ay saamayn ugu yeelato iyo suuqyada ganacsiga.

Hase yeeshee dawladdaha soo koraya iyo wadamada BRICS ayaa doonaya innay soo afjaraan dagaalka Maraykanku ku maamulayay muddada dheer suuqyada waxayna wataan in daynta ay iyagu maalgeliyaan si hoos u dhaca Maraykanka looga badhaadho, isla markaana aannay iyaga oo dollarka ku haya kaydkooda aannay dhibaato dhaqaale ugu habsan.

Haddii ummadaha kale joojiyaan kaydinta dollarka, lacagtu waxay ku soo noqon doontaa Ameerika, taasoo horseedaysa hoos u dhac ku yimaada waddankiisa, sidaa waxa yidhi khabiir dhaqaalaha iyo hoos u dhaca la saadaalinkaro ka hadlay.

Madaxweynaha Ruuska Putin oo dhowaan la wareegay hoggaaninta isbahaysiga BRICS, ayaa ku tilmaamay Maraykanka inuu gacmihiisa ku dilayo  lacagtiisa Doolarka.

 

Isbahayasiga BRICS kaddib, xulafadda Maraykanka ee Faransiiska ayaa ah waddankii ugu horreeyay ee ka dhawaajiyay welwelka uu ka qabo deynta aan la xakameynin ee dollarka. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku hadlay luqad af badan oo uu ku dhaleeceeyay doorka dollarka Maraykanka ee xakamaynta wadamada kale. Macron ayaa xitaa ku booriyay khudbad uu jeediyay, isagoo ugu baaqayay Yurub iyo xulafadda kale ee Maraykanka inn ay xaddidaan isticmaalka dollarka. Waxa uu ka digay in kordhinta dollarka ee Bangiyada Dhexe ay u riixi karto dhaqaallaha Yurub dhanka koonfurta.

 

Hadalka Madaxweynaha Faransiiska kaddib dalalka  reer Yurub ayaa bilaabay digniinta Faransiiska iyo qiimaynta rajada ganacsiga ee dollarka Maraykanka.

Dhibaatada deynta ayaa kaliya dhaawici doonta dhaqaalaha EU dollarkuna wuxuu mas’uul ka noqon doonaa burburka sida ay ka digayaan dhaqaale yahanadu.

 

 

BRICS, ayaa hadalka digniinta Emmanuel Macron uga faa”aystay sidii ay doonayeen iyo xataa dhibaatadu sida ay Yurub uga dhigtay maxaabiiis  u xidha dhaqaalaha Maraykanka,  waxayba arrintan durba sa sababtay in iyagoo wadamada soo koraya, iyo xulafadda Maraykanka oo dhami durba bilaabay innay hoos u dhigaan dollarka lacagaha lagu bixiyo.

Doolarka Maraykanka ayaa hadda la isticmaalaa keliya wax ka yar 60% ganacsiga caalamka,  halka lacagaha kale ay si tartiib tartiib ah weli kor ugu kacayaan, sida ay sheegayaan warbixinaha dhaqaalaha aduunka ee soo baxay todobaadyadii u Danbeeyay

Laakiin sida ay muujinay Shaxda hoose waxa xilligan la isticnaalaa dollarka Maraykanka 58% oo keliya, taas oo loo adeegsado oo keliya wax kala iibsiga caalamka, waana calaammad tilmaamay sida lacagta dolarka looga guurayo.

Source: IMF

 

Dhinaca kale, Sideed la mid ah Bangiyada Dalka Ciraaq ayaa todobaadkan joojiyay isticmaalka lacagta dollarka, iyagoo fulinaya qaraarka Banguga dhexe ee dalkaa.

Sidoo kale,  Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa waraysi uu dhawaan siiyay Tucker Carlson ku qiray in xulafadda Maraykanka ay raadinayaan innay ka guuraan dollarka. “Bal u fiirso waxa adduunka ka socda, xitaa xulafadda Maraykanku waxay hoos u dhigayaan dollarka kaydkooda,” ayuu yidhi, sida lagu daabacay  realmoney.thestreet.com.

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com