#Araweelo_News_Network.

Quito Ecuador (ANN)-Siyaasiga Fernando Villavicencio oo ku jiray tartanka Madaxweyniha dalka Ecuador ayaa lagu dilay weerar qorshaysan, kaddib markii uu jeediyay hadalo xaasaasi ah xilli uu ku jiray ollolaha doorashada la filayo inay ka dhacdo dalkaa.

Guillermo Lasso oo ah Madaxweynaha dalka Ecuador ayaa Warbaahinta u xajiiyay geerida Siyaasiga Fermando , wuxuuna ku baaqay 6o maalmood oo baroordiiq ah, isagoo xusay in Boolisku toogteen ninkii fuliyay weerarka.

Fernando Villavicencio ayaa ku jiray ollolaha doorashada, wuxuuna si weyn uga hadlayay musuqmaasuq hadheeyay dalkaa, isagoo balanqaaday inuu wax ka qabanayo haddii uu ku guulaysto tartanka, laakiin weerarka ayaa dhacay xilli uu ku jiray dhaleecaynta xukuumadda, waxaana dhaawacyo soo gaadheen 9 qof oo kale oo ku sugnaa goobta.

Weerarka ayaa dhacay Arbacadii, waxaana Fernando Villavicencio oo dhaawac xun ah loola cararay Cusbitaalka, laakiin laguma guulaysan in la badbaadiyo.

Dalka Ecuador oo ku yaal Koonfurta Qaarada Ameerika, ayaa ka mid ah dalalka sida ba’an u naafeeyay musuqmaasuqa iyo denbiyada abaabulan, waxayna ka mid tahay marinada ugu baddan ee mukhaadaraadka.

Arrintan ayaa laga cabsi qabaa inay abuurto xaallad siyaasadeed oo deganaansho  la’aan horseeda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com