Waxa Loogu Magacadaray Halyaygii Aasaasay

#Araweelo_News_Network.

Garadag (ANN)-Munaasibad si weyn loo abaabulay ayaa xadhiga lagaga jaray Jaamacadda Degmada Garadag ee galbeedka gobolka Sanaag oo ka mid ah degmooyinka ugu caansan Somaliland ee ugu facaweyn.

Munaasibada lagu daahfuray Jaamacadda Garadag oo loogu magacadaray Ibraahim Bare University (IBU), waxa ka qaybgalay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, hoggaamiyayaasha Ururada siyaasada qaarkood, ganacsato,  Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gollaha wakiillada, xildhibaano iyo martisharaf kale.

2019 ayaa la bilaabay dhismaha Jaamacadda, wuxuuna qorshuhu ahaa in la furo 2021, balse Khamiistii Auguts 10, 2023, ayaa xadhiga laga jaray.

Aasaaska iyo hindisaha Jaamacadda waxa lahaa Ibraahim Bare Nuur iyo Dr  Khadar Bare Cilmi oo gacanta ku hayay dhamaystirka hawsha Jaamacadda, laakiin markii uu geeriyooday Ibraahim Bare Nuur (Hure) May 2022, isagoo ahaa Aqoonyahan  si weyn uga soo qaybqaatay halgankii iyo dib-u-dhiskii dalkaa, isla markaana in baddan lagu majeeran jiray muddadii uu noolaa waxtarka Bulshada ee addeegyada kaabayaasha aasaasiga ah, waxa hawsha sii waday Dr. Khadar Bare Cilmi, waxaana ugu danbayntii lagu guulaystay dhamaystirka Jaamacadda oo lloo bixiyay Ibrahim Bare University (IBU), iyadoo loogu magacdaray marxuumka geeriyooday.

Wasiirka Caafimaadka, Xasan Cali Gaafaadhi oo hadal ka jeediyay munaasibada ayaa ka waramay marxaladihii ay soo martay Jaamacadda iyo sidii loo hindisay, isagoo tilmaamamay ahmiyada ay u leedahay deegaanka gobolka Sanaag iyo deegaamada kale ee dalka.

Sidoo kale, waxa munaasibada xadhiga lagaga jarayay Jaamacadda Garadag ee Ibrahim Bare Universty (IBU), masuuliyiinta ka socotay xukuumadda iyo gollayaasha Baarlamaanka (wakiillada iyo guurtida), kuwaas oo dhammaantood tilmaamamay ahmiyada ay leedahay jaamacadda cusub iyo deegaanka sida ay wax baddan ugu soo kordhinayso

Waxa kale, oo munaasibada ka hadlay Guddoomiyaha Urur Siyaasasadeedka KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi oo xog-ogaal u ahaa hindisihii Jaamacadda ee soo bilaabamay xilli dhawr sannadood laga joogo, isagoo muujiyay dedaalkii iyo juhdigii ay geliyeen labada muwaadin ee hindisay oo midkood geeriyooday, isagoo aan nasiib u yeelan inuu soo gaadho Jaamacadda oo la furayo, sidaa awgeed loogu magacdaray si loogu xusuusto.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Barwaaqo, ayaa dhankiisa ka hadlay ahmiyada ay leedahay Jaamacadu, wuxuuna balanqaaday inuu gacan ka geysanayo taageerada Jaamacada, isagoo siyaasiga Maxamuud Xaashi si la mid ah kaga dhawaaqay madasha.

Dhamaan masuuliyiinta ka hadlay munaasibada ayaa tilmaamay halyeygii loogu magacdaray Jaamacada Ibrahim Bare inuu ahaa shaqsi aragti fog oo doonayay inuu bulshadiisa uga tago dhaxal wanaagsan, taas sababtay in lagu maamuuso magaciisa si loogu xusuusto.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com