#Araweelo_News_Network.

Boorama (ANN)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay dhacdooyinkii u danbeeyay ee ka dhacay deegaanka Go’ada ee  Buurta Gacan-Libaax oo ku beegan dulleedka Bari ee Hargeysa, halkaas oo dagaal saaka ku dhexmaray Ciidamada Booliska gaarka ah ee RRU iyo dablay hubaysan.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo ahaa murrashaxa xisbiga WADDANI ee doorashada Madaxtooyadda oo socdaal ku marayay maalmihii u danbeeyay gobollada dalka, ayaa ka hadlay dagaalka maanta oo inta la ogyahay sababay dhimmashada dhawr ka mid ah Ciidanka Booliska iyo tira kale oo dhaawac ah.

Cabdiraxmaan Cirro oo ku sugan xarunta gobolka Awdal ee Boorama, ayaa yidhi, “Waxa maanta igu kalifay inaan hadlo warar dhiila ah oo murruga sida oo naga soo gaadhay gobolka Saaxil, oo ay maanta iskaga horyimaadeen ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland ee Booliska iyo dad shacab ah oo hubaysan.”

Wuxuu sheegay inuu marka hore tacsiyaynayo dhammaan dadkii ku dhintay, kuwa ku dhaawacmayna Allah u sahlo, “Annigu shaqsiyan kursiga aan doonayo ee Madaxweynaha waxa igala qiima weyn dhiiga hal muwaadin oo daata, xisbigu hore ayuu u sheegay mawqifyadiisa, wuxuu u taagan yahay nabad, wadajir iyo midnimo, marar baddana waa sheegay xisbigu mawqifkiisa, waana ku celinayaa, annagu ma rumaysnin, mana taageersanin in xalku noqdo xabad, xoog iyo is muquunin.” Ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Cirro.

“Xukuumadda Somaliland, waxaan ugu baaqayaa in fursad ka siiyo nabada oo ay dad baddan ku jireen, waana inay xalka ka qaybqaataan, Salaadiin, Xildhibaano iyo cuqaal ayaa ku jiray nabada, waxaan ugu baaqayaa in Madaxweynuhu ciidanka ka qaado, shacbiga hubaysana waxaan ugu baaqayaa inay qoryaha dhulka dhigaan, uma baahin in mar danbe qof innagaga dhinto shaqaaqooyinkaa.”

Cabdiraxmaan Cirro, wuxuu sheegay in dhacdada maanta ay ku beegantay 11 August sannadkii hore oo ay mucaaradku abaabuleed mudaharaadyo sababay dhimasho iyo dhaawac, “Sannadkii hore maanta oo kale, waxa dalka ka dhacay isku soo baxayo nabadeed oo ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan hubaysnayn, waxan qabaa in laga baaqsan karayay, ta maanta dhacdayna in laga baaqsan karayay ayaan qabaa.”

Wuxuu tusaale usoo qaatay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isagoo yidhi, waxaynu ka warqabnaa gobolka Sool dagaalkii ka dhacay inuu weli socdo qarankana dhiigbax weyn ayuu ku yahay,  welina taaganyahay, sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay dhammaan waxgaradka, Salaadiinta, aqoonyahanka, ganacsatada culimada in aannay daawadayaal ka noqon arrimaha nabadgelyadarada ah iyo khilaafka siyaasadeed oo ay ku dhiiradaan innay qayb ka qaataan xalinteeda.

“Mar labaad iyo mar saddexaad waxaan ku baaqayaa xalka arrintaasi waa nabad maaha xoog, anniguna weligay dagaal sokeeye kama qayb qaadan haddana diyaar umma ihi, nabada iyo midnimadu waa lama taabtaan, waana waajib ina wada saaran innaynu dhamaateen ka qayb qaadano.” Ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Cirro.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com