#Araweelo_News_Network.
Hargeysa(ANN)-Fadhigii gollaha Guurtida ee saaka oo Sabti ah, ayaa mar keliya weedho qalacaad ah iyo dhawaaqyo cannaan ah oo u muuqday shoobarayn kala horyimi Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan.

Xildhibanaada madasha fadhiga kasoo xaadiray, ayaa dhawaaqyo cannaan ah ku yidhi, “Maanta iyo xaalladan dalka ka jirto in ay xeer macdan ma sheekayno maaha” Guddoomiye arrintan looma baahna maanta waa innaynu fadhiga ka kacnaa, sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah xildhibaanada guurtida ee madasha fadhiyay oo dhawaaq dheer isla taagay.
Sidoo kale, qaar kale oo ka mid ah Xildhibaanada guurtida ayaa dhawaaqyo sidaa oo kale ah ugu dhawaaqay, iyagoo muujinaya sida ay uga xun yihiin xaaladda.

“Guddoomiye waxaanu kaa filaynay dhibaataa dhacday ee xagaynu kaga hagaagnaa, laakiin kaamaanu filayn ajandaha inoo akhriya iyo in golluhu ka sheekeeyo macdan, iyadoo xaalladdani ka jirto dalka. Guddoomiye dalkaa badbaado u baahan oo qarankaa badbaado u baahan, waa innaynu fadhiga ka kacnaa oo meeshii dhib ka jirto u baxno oo is weydiino wax baddan” sidaana waxa ku dhawaaqay xildhibaan kale.

Mudane kale, ayaa isagu dhankiisa sheegay in loo baahnaa inay maanta albaabada isu xidhtaaan golle ahaanoo ay xaalladda dalka wax iska weydiiyaan, balse xildhibaan isaguna ka hadlay madasha ayaa sheegay in ergooyin ay ku jiraan dhibaatada Buurta Gacan-Libaax, sidaa awgeed ay golle ahaan ugu baaqaan in ay dablayda Buurta ee loogu baaqayo nabada ay aqbalaan.

“Golluhu waa inuu tacsiyeeyaa askartii dhimatay ee qaranka u shaqaynaya, Guddoomiye lama joogo maalin aynu macdan ka doodno, waxaan soo jeedinayaa in golluhu fadhiga ka kaco, shirgudoonku ha horgaleen gollaha oo xaalladda wax ha ka qabteen, ama waa inaad xildhibaanada hawshaa u fasaxdaan, labadaa mid soo gala.” Ayuu yidhi, mid kale oo ka mid ahaa xildhibaanada gollaha fadhiyay ee la istaagay dhawaaqa cannaanta ah.

Hase yeeshee Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in ay jiraan ergooyin ku jira hawsha Gacan-Libaax, balse wuxuu sheegay in mar haddii la deyn waayay oo xildhibaanadu soo jeediyeen in golle ahaan ay arrintaa ka hawlgalaan ay guddi u saarayaan, iyadoo markaa kaddib Guddoomiye Saleebaan qorsheeyay guddi hawshaa loo xil saaray.

Dhawaaqyada xildhibaanada ayaa u muuqday kuwo ka jawaabaya dhaliisha xilliyadan danbe kaga imanay dhinaca bulshada, iyadoo dad baddan is weydiinayaan sababta gollaha guurtida arrimaha khilaafaadka siyaasadeed ee abuuray nabadgelyadarada uga muquuranayaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com