Telesom Dahabshiil
Published On: Fri, May 22nd, 2020

Marxuum Ibraahim Barre Nuur aan Xuso intaan aqaanay iyo waxaan ku bartay

Marxuum Ibraahim Barre Nuur, Geerida dishaay Geedkaa ha bo’

Axmed Shire Maxamed yoonis(Baandheeye)
Gudoomiyaha Waxbarashada iyo Sayniska Eee Gobolka Sanaag.

Marxuum Ibraahim Barre Nuur aan ka Xuso intaan aqaanay iyo sidaan u bartay.

 

 

Marxuum Ibraahim Barre Hurre

Marxuumka waxaan bartay xilli uu Jaamacada Lafoole ku jiro aniguna markaas ahaa Aradaydii ugu horeysey PP(Primary Program) ee Tababarka waxbarasho ugu jirey Jaamacada Lafoole.
Marxuum Ibraahim Barre wuxuu markiiba ka mid noqday Saraakiishii sarsare ee Wasaaradii Waxbarashada ee Somalia, gaar ahaan noqoday Agasimaha waaxda Waxbarashada Dadban.
Marxuumku wuxuu wabarasho Mastar ah u tegey Dalka Ingiriiska.

Marxuumka waxaan ugu tegey Dalka Imaaraadka, Gaar ahaan Caasimada, Abu Dhabi taariikhdu Markay ahayd 07/05/1981.

Waqtigaas Marxuumku wuxuu Shaqo Sare (senior Personnel Officer) ka bilaabay sherkadii isgaaddsiinta oo la oran jirey EMERTAL, markii dambeba loo bixiyey ETISALAT.

Marxuum Ibraahim, wuxuu Marba Marka ka dambeeysa ahaa Ragga fara kutiriska ee Sherkada hagayey waxna laga weydiiyo, markastana derajadiisu kor u sii baxaysey ilaa uu ka Gaadhey Darajada Vice President, muddooyinkii ugu dambeeyeyna ugu Shaqaynayey la taliye Gaar ah ( Special consultant.

Marxuumku wuxuu ka soo shaqeeyey Dawlado Badan oo Sherkadu xidhiidh Aqooneed iyo Dhaqaaleba la lahayd ay kana mid ahaayeen Sacuufiga, Masar, Jordan iyo qaar kaloo badan.
Marxuum Ibraahim wuxuu lahaa Shakhsiyad uu ku mutaystay in uu yeesho saaxiibo badan oo u haya sharaf iyo Karaamo.
Wuxuu ahaa halgame daacad u ah Dalkiisa iyo dadkiisa, door laxaad leh, tusmo , talo iyo dhaqaaleba kaga qayb galay halgankii dheeraa ee loo soo maray dib u xorayntii JSl. Sidoo kale wuxuu ahaa dadkii dhaqaalaha ugu badan ku bixin jiray halgankii dub u xoraynta Dalka Iyo dib u dhiskii Qaranimada Somaliland iyo nabadayntii.

waxa  kaloo Marxuum Ibraahim door laxaad leh kaga jirey dhidiba u taagistii Xisbiga Kulmiye iyo guulihii lagu gaadhsiiyey hogaan u qabashada QARANKA JSL.
Marxuum ibraahim wuxuu ahaa ururushe, Gurgurshe, isu soo dhoweeye, deeq bixiye, isagoo ku suntanaa deeqsinimo, Marti soore, Soo dhoweeye, tala suubane, gargaar fidiye jecel inuu ka shaqeeyo horumarka, wuxuuna Xilligan doorka ugu weyn ku lahaa Jamacadda laga dhisayo Degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag oo ah deegaanka uu soo jeeday, Marxuum Ibraahim lama  soo koobi koro doorkiisii halgan, dib u dhiska Dalka Iyo dadka.

Allah haw naxariistee Marxuum Ibraahim Barre Nuur wuxuu ifka kaga tegey hal Xaas, shan wiil iyo gabadh. Ilaahay godka ha u nuuro Qoyska uu ka baxayna Ilaahay Samir Iyo Iimaan Saadiq ah ha ka siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Axmed Shire Maxamed yoonis(Baandheeye)
Gudoomiyaha Waxbarashada iyo Sayniska Eee Gobolka Sanaag.

About the Author

- #Arraale Mohamoud Jama is a freelance journalist and human rights activist with more than 20 years of experience as a professional journalist and human rights activist, as well as a writer and investigative journalist on a wide range of topics related to social issues, human rights, politics and security, economics, democracy, and good governance. He has written extensively on regional and international events, and has worked Somaliland newspapers, and Human rights organization. In 2008, he created the website #Araweelo #News #Network, and is based in Somaliland and is currently managing it; #Arraale is a specialist in investigating and reporting on human rights, democracy, security, and good governance issues. Contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp