Al-shabaab oo ka hadashay  Qaraxa iyo halka bartilmaameedka uu Yoolkoodu ahaa iyo Dawladda Soomaaliya oo khasaaraha ka hadashay.

Muqdisho(ANN)-Qarax Khasaare geystay oo sababay dhimashada iyo dhaawac soo gaadhay masuuliyiin uu ku jiro Guddoomiyiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow,  ayaa galabta lala beegsaday xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho.

Goobta qaraxu ka dhacay, waxa xiligaa ka socday shir muhiim ah oo lagaga hadlayay Amniga caasimada, kaas oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir, Saraakiisha amaanka iyo masuuliyiin kale. Sidoo kale, waxa shirkaa ku sugnaa Eygeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan oo 30 May 2019, xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u magcaabay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo daqiiqado ka hor qaraxa ka baxay goobta sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha qaraxaa.

Sidoo kale wararka, ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisoow oo shirka guddoominaya uu ka mid yahay masuuliyiinta uu soo gaadhay dhaawac culus, isagoo lagu dawaynayo Cusbitaalka Digfeer, sida ay sheegeen saraakiisha Cusbitaalka, isla markaana waxa kale oo  la xaqiijiyay inay qaraxaa ku dhinteen qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, oo ay ka mid yihiin guddoomiyayashii Degmooyinka Cabdicasiis, Waaberi iyo Warta-Nabadda iyo sidoo kale Saraakiil Ciidanka Booliska ah iyo masuuliyiin kale.

Balse weli lama hayo tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca uu sababay qaraxaa oo la sheegay inuu ahaa qof waxyaabaha qarxa isku soo xidhay, waxaana dhaawacyo ka mid ah dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay la geeyay xarumaha caafimaadka, iyadoo gaadiidka gurmadka degdega ah ay goobta dhismaha oo burbur badan soo gaadhay tageen.

Walaw Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Idaacada BBC u warramay Caawa uu sheegay in qaraxi galabta ka dhacay xaruunta dowladda hoose ee Muqdisho ay ku dhinteen 6 qof, oo ay laba ka mid ah yihiin guddoomiyeyaal degmo, agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale oo maamulka gobolka banaadir ka tirsan.

Waxa kale oo uu sheegay Maareeye inay ku dhaawacmeen 6 qof oo kale oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Eng. Yariisoow oo dhaawaciisa uu ku sheegay mid fudud.

Dhinaca kale Al-Shabaab, ayaa sheegatay mas’uuliyadda howlgalka qaraxaa, waxayna sidaa ku sheegeen war kasoo baxay oo lagu faafiyay  Idaacada Andalus oo ka mid ah Warbaahinta taageerta Alshabaab.

Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka Al-shabaab, ayaa sheegay ‘in howlgal si heer sare loo abaabulay ka fuliyeen gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ay ku dileen, wuxuu ugu yeedhay cadow fara badan.

Abuu Muscab, ayaa sheegay in bartilmaameedka hawlgalkaasi ahaa Eygeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James oo sida uu sheegay halkaas kaga qeyb galayey kulan uu la lahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Muqdisho.