#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas Qaran oo xabaallaha Baqiic ee duleedka Waqooyi ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum Xaaji Axmed Daahir Cumar (Baxsane) oo maanta  27 Desember 2023 ku geeriyooday guriigiisa Hargeysa.

Marxuumka oo maydkiisa loo gelbiyay gurigiisa dhabta ahaa, waxa jinaasada aas qaran oo loo sameeyay ka qaybgaaly Madaxweyne Biixi, xubno kamid ah gollaha wasiirrada, ganacsato, siyaasiyiin, madax-dhaqameed, haldoor kale iyo dadweyne aad u tiro badan, waxaana salaadda jinaasada kaddib marxuumka loogu duceeyay qabriga dushiisa.

Masuuliyiin, ganacsato salaadiin iyo haldoorka kale ee Bulshada ayaa weedho murrigo iyo duco ah ka jeediyay halkaa, iyadoo dhammaantood dadka ka hadlay geerida Marxuumka  eheladii, qoyskii, qaranka Somaliland iyo Bulshada Soomaalida uga tacsiyeeyeen marxuumkana Allah uga baryeen inuu jannooyinkiisa ugu deeqo.

Dhammaan dadka ka hadlay jinaasada Xaaji Axmed Daahir, ayaa tilmaamay shaqsiyadii uu lahaa, cimaadadii iyo samafalkii uu samayn jiray.

 

Ugu horrayn, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ganacsato, siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday samo-falkii iyo wanaaggii marxuumku caanka ku ahaa intii uu noolaa iyo sidii ay astaanta ugu ahaa caawinta dadka jilicsan iyo dhismaha masaajiddada ah ee Ilaahay lagu caabudo, waxana ay tacsi u direen ehellada iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay marxuumku, waxana uu ku sifeeyey samofale goobaha khayrka leh maalkiisa ku bixin jirey.

Madaxweynuhu waxa uu ka sheekeeyey sifooyinkii wanaagsanaa ee marxuumku lahaa ee mudan in lagaga daydo iyo raadkii wanaagsanaa ee uu ka tegay,“Waxa la isku raacsan yahay inuu ahaa nin wanaagsan oo Ahlul cibaado ah oo wuxuu tacbadayna muslimka oo dhan wax ka taray qaranka oo dhan wax ka taray oo ka daciifka ah wax ka taray, waxa kale oo la isku raacsan yahay inuu ahaa nin qof waliba ka ammaan helay, If iyo Aakhiro ba wuu shaqaystay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Marxuum Axmed Daahir Baxsane, ayaa kamid ahaa ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland, waxana uu caan ku ahaa samo-falka iyo dhiirrigelinta arrimaha khayriga.

Inaa LIlaan wa inaa Illayhi raajicuun.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com