#Araweelo_News_Network.

 

Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayo oo maanta ka anbabaxay gegida diyaaraddaha ee Hargeysa Egal international Airport, ayaa ka degay Madaarka Xunbuli ee Caasimadda Dalka Djibouti.

Madaxweyne Biixi oo ay ku weheliyeen safarkiisa wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo xubno kale, ayaa lagu soo dhoweeyay Madaarka Xunbuli, waxaana halkaa kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti  Maxamed Cali Yuusuf.

Madaxtooyadda Somaliland, ayaa xaqiijisay in ujeedada safarka Madaxweynaha iyo waftigiiisa oo loo galbiyay Qasri ay tahay sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia, iyadoo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sugnaa Djibouti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la kulmay labada Madaxweyne ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo markaa kaddib bilaabay kulanka shirka wadahadalada ee loo balansanaa ee madaxweynayaasha Dalalka Somaliland, Djibouti iyo Soomaaliya.

Waxa xusid muddan in wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo soo bilaabmay sannadkii 2012, balse ay marar baddan caqabado ku yimaadeen, iyadoo kulankii kan ka horeeyay ee lagu qabtay Djibouti aannu noqon mid wax natiijo ah kasoo baxaan, sidoo kale Xukuumadda Madaxweyne Biixi ee Somaliland, ayaa marar baddan hore u sheegtay in aannay ka qaybgelayn wadahadalada, wallow aannay noqon go’aan rasmi ah oo ay xukuumaddu ka qaadatay wadahadalada soo socday 11 sannadood, balse aan wax natiijo ah laga gaadhin.

Hase yeeshee wadahadalada dib loo bilaabay ayaa xilligan kusoo beegmay, iyadoo Somaliland ay ku jirto xaalad ka duwan xilliyadii hore ee wadahadalada ku saabsan Somaliland iyo Somalia laysugu iman jiray, iyadoo waqtigan Somaliland ay ka jirto colaad dhinaca gobolka Sool ah.

Sidoo kale, waxa bilawga xilligan dib loogu bilaabay wadahadalada Somaliland iyo Somalia kusoo beegmeen, iyadoo ay gobolka ka jirto cabsi weyn oo uu sababay dagaalka Bariga Dhexe ee u dhexeeya Israel iyo Xamaas, kaas oo saamayn ku yeeshay gaadiidka ganascsiga isaga gudbaya aduunka ee marrinkoodu yahay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ay Somaliland kulaalay, laakiin lama ogga natiijada kasoo baxay wadahadalada labada dhinac ee dib uga bilaabmay Djibouti.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com