#Araweelo_News_Network

Hargeysa(ANN)-Gollaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa meel mariyay Oddoroska mala awaalka miisaaniyadda qaranka loo qoondeeyay sannadka 2024. ,Fadhigii gollaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu meel mariyay miisaaniyadda.

 

Fadhigaa oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda  maanta la hor keenay Miisaaniyad sannadeedka 2024-ka, iyadoo Oddoroska Miisaaniyadda Dawladda Dhexe ee sannadkan lagu muujiyay Difaaca iyo Doorashooyinka dalka.

 

Qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Araweelo_News_Network, ayaa u dhigaan sidan:-

 

 

“Miisaaniyad-sannadeedka 2024-ka oo ay golaha hor-keentay wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa cadadkeedu dhammaa 3,432,316,337.448 (Saddex Tiriliyan, Afar boqol iyo laba iyo soddon Bilyan, saddex boqol iyo lix iyo toban Milyan, saddex boqol toddoba iyo soddon kun, Afar Boqol iyo siddeed iyo afartan) Somaliland shiling ah, taas oo ka kooban

 

  • Miisaaniyadda guud ee dawladda
  • Miisaaniyadda Dawladda dhexe
  • Miisaaniyadda dawladaha hoose
  • Hay’addaha Madaxa Bannaan
  • Mashaariicda Baanka Adduunka

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo dul istaagay golahana u akhriyey oddoroska miisaaniyadda iyo sida ay ka wasaarad ahaan xilka iskaga saareen iyagoo gudanaaya waajibaadka Dastuurka Qaranka qodobkiisa 55aad farqadiisa 1aad iyo xeerka maamulka maaliyadda Xeer No. 75/2016 qodobkiisa 5aad, waxa uu sharraxay meelaha iyo miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2024-ku diiradda saarayso iyo meelaha la filayo inuu dakhligu kasoo xeroodo, iyaga oo xubnaha wasiirradu gudo galay dood iyo falanqayn dheer oo ku saabsan oddoroska miisaaniyadda.

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa doodda kaddib cod geliyey anisixinta oddoroska miisaaniyadda sannadka, waxana ay golaha wasiirradu cod aqlabiyad ah oo gacan taag ah ku meel mariyeen oddoroska miisaaniyadda 33-aad ee qaranku yeesho oo loo gudbin doonaa golaha wakiillada Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Miisaaniyadda sannadka 2024-ka waxa hoggaaminaya oo udub-dhexaad u ah qodobbadan soo socda:

 

  • Did-u-dhiska difaaca dalka,
  • kharashka doorashooyinka
  • Isku dheellitirka dakhliga iyo kharashka,
  • xakamaynta sicir-bararka,
  • Kor u qaadista adeegga garsoorka,
  • dhiirrigelinta wax soo saarka,

 

Ugu danbayntiina Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa loo qaybiyey si ay u soo akhriyaan Xeerka Rahanka Hantida Maguurtada ah ee Bangiyada xeer Lr.XX/2023.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

Naasir Yuusuf Daahir.

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.