#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan  ballaadhan la qaatay Ganacsatada Somaliland, kaas oo lagu faaqiday xaalladdaha iyo duruufaha kusoo kordhay gobolka, gaar ahaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee saamaynta ku yeeshay arrimaha amniga iyo isu socodka ganacsiga aduunka.

Kulanka Madaxweyne Biixi iyo Ganacstada ayaa xalay ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyadda, waxaana lagu faaqiday sidii Somaliland xukuumad ahaan iyo ganacsato ahaan isugu kaashan lahaayeen in aannay arrimahaasi saamayn weyn ku yeelan ganacsiga iyo isu socodka badeecaddaha.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlaya kulankaa oo ay ku weheliyeen dhankiisa xubno ka tirsan wasiirrada xukuumaddiisa, ayaa tilmaamay ahmiyada kulanka oo ahaa mid wax baddan lagaga hadlay, iyadoo ka sokow arrimaha ganacsiga lagu soo qaaday xaaladda dhanka amniga ee Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka, balse ma jiraan wax go’aamo ah oo kasoo baxay, waxaana dooda ganacsatada kaddib hadal ka jeediyay kulanka Madaxweynaha oo tilmaamay arrimaha u baahan in layska kaashado xukuumad ahaan iyo ganacsato ahaan.

Muuqaalkan ka Daawo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com