#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa usoo jeediyay Madaxweyne Biixi inuu dalka ka qabto doorashooyinka, isla markaana dadka mideeyo si dalka loogu soo gaadho, maadaama uu sheegay in xaallada ay Somaliland ku jirtaa tahay mid cakiran.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, wuxuu sidaa ku sheegay mar muuqaal uu warbaahinta la wadaay oo uu kaga hadlay arrimo baddan oo la xidhiidha xaaladda dalku marayo xilligan, doorashooyinka iyo sida loogu baahanyahay in la difaaco qaranka, balse ay waajib tahay in Madaxweyne Biixi mideeyo dadka, isla markaana ay xuukuumaddu qabato doorashooyinkii lagu balamay.

Muuqaalkan Ka Daawo