#Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)- Prof. Axmed Cabdi Muuse (Abyan), ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay Ururka Barwaaqo ee uu Hoggaamiyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, wuxuuna sidaa ka sheegay mar uu manta kusoo laabtay dalka, isagoo kasoo degey garoonka diyaaraddaha ee Hargeysa Egal Intarnational Airport.

ALt: Araweelo News Network.

Prof. Axmed Cabdi Muuse (Abyan), Image Araweelo News network. 18 Jan 2023.

Prof. Abyan, oo warbaahinta kula hadlay Madaarka Hargeysa, wuxuu sabab uga dhigay inuu iska casilo xilkaa xaaladda ka taagan gobolka Sool ee uu kasoo jeedo, isagoo si weyn ugu dhaliilay xukuumadda in aannay waxba ka qaban intii annay arrintu gaadhin halka ay maanta taagan tahay,

Wuxuu sheegay inuu safar ku maqnaa muddo, isla markaana soo maray dhawr dal, balse arrinta uu isku casilay ay tahay si uu shaqsiyan fursad ugu helo arrimaha ka taagan Laascaanood, isagoo xusay in uu doonayo in aannay saamayn ku yeelan arrimaha uu ka hadlayaa, ama loo nisbayn Urur Siyaasadeedka uu ka tirsnaa ee Barwaaqo, sidaana ay tahay sababta ugu weyn ee xilka uu isaga casilay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

info@araweelonews.com